Australia: Nin tooreey ku weerary dad ku sugnaa goob lagu dukaameysto

Image
Dad badan ayaa ku sugnaa goobta oo weerarka ka dhacay.

Sydney (GO) - Booliska Australia ayaa maanta boqolaal qof ka daadgureeyay xarunta laga dukaameysto ee Westfield Bondi ee magaalada Sydney, ka dib markii uu qof tooreey ku weerary dadka goobta ku sugna.

Booliska gobolka New South Wales ayaa ku dhawaaqay in ay toogteen ninka tooreeyda sitay, iyaga oo xusay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen goobta,, iyagoo ugu baaqay dadka deegaanka inay ka fogaadaan aaggaas.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in 5 qof ay ku dhinteen, iyadoo ay u sii dheer tahay dhaawaca dad kale oo qaarkood xaaladoodu liidato.

Dhacdadan ayaa timid ka dib markii Jarmalku uu shalay ku dhawaaqay inuu xiray dhowr dhalinyaro ah oo isku diyaarinayey inay weeraro Argagixiso ah ka geystaan ​​dalkaas.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM