Australia oo ka laabatay aqoonsiga Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil

Image
Golaha Wasiirada ee Xisbiga Shaqaalaha ee Bidixda-Dhexe ayaa si wadajir ah u meelmariyey go'aankan.

CANBERRA, Australia - Australia ayaa ka laabatay go'aanka ay dawladii hore ee waddanka ay ugu aqoonsatay Galbeedka Quddus inay tahay caasimadda Israa'iil, sidda uu maanta sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee waddankaas.

"Golaha Wasiirada ee Xisbiga Shaqaalaha ee Bidixda-Dhexe ayaa isku raacay in ay mar kale u aqoonsadaan Tel Aviv inay tahay caasimadda Israa'iil, waxayna dib u xaqiijiyeen in maqaamka Qudus ay tahay in lagu xalliyo wada xaajood nabadeed oo u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Penny Wong.

Wuxuu raaciyey: "Australia waxa ay wali ka go'an tahay in xal laba dhinac ah loo helo iskahorimaadka u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiin, ma taageeri doono hab wax u dhimaya rajadan".

Ra'iisul Wasaarihii Hore ee muxaafidka Scott Morrison ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday Galbeedka Jerusalem inay tahay caasimada Israel bishii Diseembar 2018, in kasta oo safaarada Australia ay wali dagan tahay Tel Aviv.

Wong ayaa ku tilmaamay tillaabada Morrison mid ka baxsan xeerarka caalamka iyo isku day "naqdin" ah oo lagu doonayo in lagu guuleysto doorashada ku-meel-gaarka ah ee degaanka Sydney oo ay ku nool yihiin dad badan oo Yuhuud ah.

Isbeddelkaas wuxuu dabasocdey go'aanka maamulka madawaynihii hor eee Mareykanka Donald Trump uu safaaradda Mareykanka uga raray Tel Aviv una wareejiyay Jerusalem.

Madaxweyne Joe Biden ayaa safaaradda ku haystey magaalada Quddus iyadoo Maraykanku uu dib uga laabtay dhexdhexaadintii xoogganayd ee uu mar hore ka dhex waday Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta oo aan kulmin wax ka badan toban sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM