Baarlamaanka Malaysia oo baabi'iyay ciqaabta dilka toogashada ah

Image
Malaysiya ayaa hakisay xukunada dilka toogashadda ah sanadka markii uu ahaa 2018.

KUALA LUMPUR, Malaysia - Dewan Rakyat ama Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Malaysia ayaa Isniinta maanta ah ansixiyay in meesha laga saaro xukunka dilka toogashadda si gaar ah dambiyo la cayimay.

Dewan Negara ama Aqalka Sare ayaa loo gudbin doonaa sharciga, haddii uu ku gudbo, waxaa la wareegi doona boqorka si uu u saxiixo sharci. Waxaa si weyn loo saadaalinayaa in aqalka sare uu meel mariyo.

Sharcigan ayaa, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin kala duwan, waxaa lagu dabaqi doonaa 34 dembi oo hadda lagu muteysto dil waxaa kamid ah khaarijinta iyo ka ganacsiga daroogada.

Malaysiya ayaa hakisay xukunada dilka toogashadda ah sanadka markii uu ahaa 2018, laakiin maxkamaduhu waxay sii wadeen inay ku ridaan maxaabiista loo haysto dambiyada kor ku xusan.

Sida ku cad sharciga wax ka badalka lagu sameeyay, beddelka ciqaabta dilka toogashadda waxaa ka mid ah karbaash iyo xarig 30 ilaa 40 sano ah oo shuruudo gaar ah lagu xiray.

Wasiir ku xigeenka sharciga Ramkarpal Singh ayaa sheegay in ciqaabta dilka toogashadda ay tahay ciqaab aan ka noqosho lahayn iyo mid aan ka hortag wax ku ool ah u noqon karin dambiyada.

Sharcigan ayaa ka soo baxay Malaysia iyadoo qaar ka mid ah dalalka deriska la ah ee ku yaalla Koonfur Bari ee qaaradda Aasiya ay sare u qaadeen adeegsiga ciqaabta dilka ah.

Sannadkii hore, Singapore waxa ay daldalaad ku fulisay 11 qof oo lagu eedeeyay dambiyo daroogo, halka dowladda Myanmar ay fulisay afar qof oo u ololeeya dimuqraadiyadda ku fulisay xukun dil toogasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM