Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay in Sweden ay ka mid noqoto NATO

Image
Codsiga Stockholm ee ku biirista NATO ayaa waxaa ayiday 287 xildhibaan.

Istanbul (GO) - Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay ku biirista Sweden ee Ururka NATO, ka dib dib u dhac oo ku yimid hanaankan in ka badan hal sano, isla markaana caqabad ku ahaa taageerada reer galbeedka ee Ukraine.

Codsiga Stockholm ee ku biirista NATO ayaa waxaa ayiday 287 xildhibaan waxaana ka soo horjeestay 55 mudane, taasoo ka dhigtay dowladda Hungary caqabadii ugu dambeysay ee hortaagan ka mid noqoshada Swedan ee gaashaandhigga.

Dhankiisa, ra’iisul wasaaraha Sweden, Ulf Kristjersson ayaa sheegay in Sweden ay hal tallaabo u jirto inay xubin buuxda ka noqoto NATO, ka dib ansixintii baarlamaanka Turkiga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM