Barlamaanka Faransiiska oo dalbanaya in la badalo siyaasadooda Afrika

Image
SAWIR HORE

PARIS - Mudanayaal ka tirsan barlamaanka faransiiska ayaa dalbanaya in la badalo siyaasadda arimaha dibada dalkooda ee ku wajahan Afrika.

Xildhibaanadan oo 94 gaaraya ayaa gudbiyay Mooshin ay arintaasi ku dalbanayaan iyaga oo ku andacoonaya in Faransiisku uu sii luminayo Afrika ayna tahay in wax laga badalo hanaanki hore ee dalkoodu ula macaamili jiray qaarada.

Madaxweyne, Emmanuel Macron oo dhawaan ka hadlayay xiisadaha Faransiiska Afrika uga soo cusboonaaday ayaa sheegay in dalkiisu uu ka gudbay xiligii uu Afrika farogelin jiray isla markaana midaas uusan samaynayn.

Dalalka Mali, Burkina Faso iyo Niger ayaa u weecday dhanka Shiinaha iyo Ruushka kedib Afgembiyo Milatari oo wadamadaas ka dhacay.

Macron oo sii hadlaya ayaa yiri " waxaan ka furaynaa Afrika iyo wadamada kusii harsan saaxiibtinimadeena machadyo ay ka shaqeeyaan shaqaaleheena iyo muwaadiniinta dalalkaas. Machadyadaas waxaa go'aankoodaniska leh iyo doonista dalalka laga furayo".

Faransiiska ayaa ka walaacsan in ficilada looga soo horjeedo ay ku fidaan dalal ay Senegal kamid tahay isaga oo isku dayaya in uu wax ka badalo wadadii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM