Bas ay saarnaayeen dad uu soo ritay Covid19 oo rogmadey

Image
Ugu yaraan 27 ka mid ah dadkii saarnaa ayaa geeriyoodey halka in ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen.

BEIJING, China - Bas ay saarnaayeen dad qaba cudurka Covid-19 oo u socday xarun karantiil ah oo ku taal Shiinaha ayaa shil galay, waxaana ku dhintay 27 ka mid ah dadkii saarnaa, sidda ay warisay warbaahinta.

Baabuurka ayaa, sidda ay muujinayaan warbixinadda maxaliga ah, waxa uu ku rogmaday wado weyn oo ku taal gobolka koonfur-galbeed ee Guizhou. 20 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.

Kaliya laba qof ayaa u dhintay Covid-19 gobolka Guizhou tan iyo markii uu cudurku dillaacay ku dhawaad ​​saddex sano ka hor. Shilkan ayaa ka dhaliyay caro dhanka internet-ka ah.

Shaqsiyaadkan ayaa dhaliilay siyaasadda adag ee dowladda Shiinaha ay ku wajaheyso xakameynta fayruska. Talaabooyinka la qaadayo waxaa kamid ah baaritaanka dad badan iyo kormeer joogto ah.

Sidoo kale, siyaasaddan ayaa waxay faraysaa shaqsiyaadka uu soo rito xanuunka ama muujiya astaamo ku aadan in ay la nool yihiin cudurka waa in ay joogaan gurigooda ama ay tagaan goob karantiil ah.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan shilkan dhacay subaxnimadii hore ee Axadda oo kasoo baxay dowladda Shiinaha. Sidoo kale, illaa haatan lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa shilkna.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli loo diyaar garoobayo shirweynaha shanta sano ee xisbiga shuuciga ee bisha Oktoobar, iyada oo laga doodayo siyaasada Covid ee dalka oo la filayo in ay ka mid noqoto ajandayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM