Basaas hore oo Israa'iil-Maraykan ah oo soo jeediyay in la aamusiyo qoysaska maxaabiista Israa’iil

Image

QASA (GO) - Jonathan Pollard, oo ah Yuhuudi Maraykan ah, horena u ahaa falanqeeye sirdoon oo ka tirsan ciidamada badda Maraykanka, ayaa ku baaqay in la aamusiyo oo la xiro qoysaska maxaabista Israa’iil ee ay haystaan ​​Xamaas.

Pollard, oo hore u ahaa basaas ka faai’deystay xilkiisa si ugu shaqeeyo danta Israa’iil, ayaa sheegay in qoysaska maxaabiista Israa’iil la xiro si loo aamusiiyo, islamarkaana laga hortago in boorarka sawirrada maxaabiista la suro waddooyinka.

Wuxuu ku daray: "Markii Israa'iil ay ku dhawaaqday dagaal, dowladdu waxay ahayd inay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah oo qaran, oo ay ku dhahdo dhammaan qoysaska maxaabiista, ama afkiinna xira haddii kale annaga ayaa xiraynaa."

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ahayd in dowladda Israa’iil ay ka hortagto qoysaska maxaabiista in ay faragelin ku sameeyaan hab maamulka dagaalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM