Basaasad doonaysey inay khaarijiso Madaxweynaha Ukraine oo gacanta lagu dhigay

Image

UKAINE - Waaxda amniga ee Ukraine ee “SBU” ayaa sheegtay in ay xireen basaasad Ruush ah oo lala xiriirinayo diyaarinta weerar ay ku bartilmaameedsanayso madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky mar uu dhawaan booqday gobolka Mykolaiv.

Waaxda amniga ayaa intaasi ku dartay in haweeneyda ay ururinaysey xogaha sirta ah ee ku saabsan booqashadii habeen hore ee ee Madaxweynaha Ukraine uu ku tagay gobolka Mykolaiv, iyaga oo sheegay inay ka war heleen falalkan qaran-dumiska ee ku kacday eedeysanaha.

Ka dib markii baaris lagu sameeyey dadka ay wacday, waxaa kale oo la ogaaaday in sidoo kale loo dirsaday inay ogaato goobta lagu xareynayo nidaamka dagaalka elektiroonigga ah iyo bakhaarrada rasaasta ee ciidamada Ukraine.

Sida laga soo xigtay baaritaanka, haweeneyda waxay degan tahay magaalaada Ochakov oo dhaca koonfurta Ukraine, waxayna hore wax ka iibin jirtay bakhaar milatari oo ku yaal dhulka mid ka mid ah cutubyada milatariga ee gobolkaas.

Waaxda amniga ee Ukraine, ayaa sheegtay in haweeneydan oo aan magaceeda la shaacin ay ku soo wareegtay dhamaan gobolka Mykolaiv oo u safray madaxweynaha, iyada sawirtay goobo ay leeyihiin ciidamada Ukraine.

Bilowgii dagaalka ka dib, dhinacyada isku haya Ruushka iyo Ukraine waxay isweydaarsadeen eedeymo ku saabsan basaasnimo iyo isku dayo dil, xilli labada dhinac ay doonayaan inay guulo ka gaaraan dagaalka, xitaa haddii ay yihiin dhanka warbaahinta oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM