Beegsiga Muslimiinta oo kusii kordhaya India

Image
Sawirka: BBC Hindi

NEW DELHI - Maxkamad ku taal dalka Hindiya ayaa Arbacadii xarig 10 sano ah ku xukuntey 10 nin oo Hinduus ah, kaddib markii ay ku heshay dambi ah inay jirdil ku dileen nin Muslim ah.

Sannadkii 2019-kii, koox burcad ah ayaa Tabriz Ansari ku xiray tiir waxayna jirdil u geysteen muddo 12 saacadood ah, ka dib markii ay ku eedeeyeen inuu wax xaday.

Muuqaal laga soo duubay dhacdada – oo si weyn looga hadal hayay baraha bulshada – ayaa muujinayay 24-jirkan oo ka baryaya kooxda burcadda ah inay siidaayaan.

Muuqaalka ayaa muujinaya xubnaha burcadda ah oo ninka ku qasbaya inuu ku heeso "Jai Sri Ram", oo macnaheedu yahay "Ram ha noolaado". Waana hees ay caan ku yihiin Hinduuga mayalka adag.

Intaasi kadib ciidamada Booliska ayaa gacanta ku dhigay Ansari isaga oo xaaladiisa ay aad u liidato, waxayna maalmo ka dib u kaxeysteen dhanka Isbitaalka, halkaasi oo uu ku geeriyooday.

Dhacdadan kadib, booliska ayaa xiray 12 nin oo Hinduus ah, kuwaas oo laga sii daaye labo ka mid ah markii ay maxkamdda ku waaysey cadeymo ku filan.

Haweeneyda uu ka dhintay Ansari oo lagu magacaabo Shaista Parveen, oo booliska ku eedeysay inay gacan ka geysteen dilka ninkeeda, ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto xukunka lagu riday, si loo kordhiyo muddada.

Ururada xuquuqul insaanka ayaa tilmaamay in ay sii korortey awoodda kooxaha Hinduuga ah intii uu xukunka hayay xisbiga xagjirka ah ee Bharatiya Janata Party, ee uu hogaamiyo Narendra Modi, kaas oo xukunka la wareegay 2014-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM