Biden: Israa’iil ma sii haysan doonto Qasa dagaalka ka dib

Image

QASA (GO) - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in xalka labada dowladood uu yahay sida kaliya ee lagu xallin karo colaadda Israa’iil iyo Falastiin, isla markaana ay khalad tahay in xoog lagu qabsado Qasa.

Biden waxa uu u sheegay suxufiyiinta in uu samaynayo wax kasta oo karaankiisa ah si loo sii daayo maxaabiista ay gacanta ku hayso XMS, balse taasi macnaheedu maaha in uu dirayo ciidamada Maraykanka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Israa’iil iyo XMS ay heshiis ka gaari karaan sii deynta qeyb ka mid ah la haystayaasha, isagoo carabka ku adkeeyay in Israa’iil uu ka codsaday in ay aad uga taxadarto howlgalkeeda militari ee Cisbitaalka Shifa ee Marinka Qasa.

Biden oo ka jawaabaya su'aal ku saabsan sida ugu dhow ee lagu gaari karo heshiis ku saabsan sii deynta maxaabiista, ayaa sheegay: “Ma doonayo inaa ka hor dhaco sababtoo ah ma garanayo wixii dhacay afartii saac ee la soo dhaafay, laakiin waxaan wadashaqeyn weyn ka helnay Qatar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM