Biden: Israa’iil ma sii haysan doonto Qasa dagaalka ka dib

Image

QASA (GO) - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in xalka labada dowladood uu yahay sida kaliya ee lagu xallin karo colaadda Israa’iil iyo Falastiin, isla markaana ay khalad tahay in xoog lagu qabsado Qasa.

Biden waxa uu u sheegay suxufiyiinta in uu samaynayo wax kasta oo karaankiisa ah si loo sii daayo maxaabiista ay gacanta ku hayso XMS, balse taasi macnaheedu maaha in uu dirayo ciidamada Maraykanka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Israa’iil iyo XMS ay heshiis ka gaari karaan sii deynta qeyb ka mid ah la haystayaasha, isagoo carabka ku adkeeyay in Israa’iil uu ka codsaday in ay aad uga taxadarto howlgalkeeda militari ee Cisbitaalka Shifa ee Marinka Qasa.

Biden oo ka jawaabaya su'aal ku saabsan sida ugu dhow ee lagu gaari karo heshiis ku saabsan sii deynta maxaabiista, ayaa sheegay: “Ma doonayo inaa ka hor dhaco sababtoo ah ma garanayo wixii dhacay afartii saac ee la soo dhaafay, laakiin waxaan wadashaqeyn weyn ka helnay Qatar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM