Biden oo ballan qaaday in uu gargaar militari siin doono Israa’iil

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amar ku bixiyay in la taageero Israa'iil ka dib weerarrada ay ku qaadeen Ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas, Aqalka Cad ayaa Axaddii ku dhawaaqay in Biden uu ku wargeliyay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu in gargaar milateri oo dheeraad ah uu ku wajahanyahay Israa'iil.

Madaxtooyada Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Biden iyo Netanyahu ay ka wada hadleen dadaallada jira ee lagu hubinayo in cadawga Israa'iil uusan ka faa'iidaysan xaaladda hadda taagan.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri, "Madaxweynuhu wuxuu amray in taageero dheeri ah lasiiyo Israel si ay uga hortagto weerarka argagaxiso ee Xamaas ee aan horay loo arag."

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “Dawladda Maraykanku waxay si degdeg ah u siin doontaa ciidamada difaaca Israa’iil qalab iyo agab dheeraad ah oo ay ku jiraan rasaasta.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM