Biden oo ballan qaaday in uu gargaar militari siin doono Israa’iil

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amar ku bixiyay in la taageero Israa'iil ka dib weerarrada ay ku qaadeen Ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas, Aqalka Cad ayaa Axaddii ku dhawaaqay in Biden uu ku wargeliyay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu in gargaar milateri oo dheeraad ah uu ku wajahanyahay Israa'iil.

Madaxtooyada Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Biden iyo Netanyahu ay ka wada hadleen dadaallada jira ee lagu hubinayo in cadawga Israa'iil uusan ka faa'iidaysan xaaladda hadda taagan.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri, "Madaxweynuhu wuxuu amray in taageero dheeri ah lasiiyo Israel si ay uga hortagto weerarka argagaxiso ee Xamaas ee aan horay loo arag."

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “Dawladda Maraykanku waxay si degdeg ah u siin doontaa ciidamada difaaca Israa’iil qalab iyo agab dheeraad ah oo ay ku jiraan rasaasta.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM