Biden oo beeniyay war looga faafiyey "si sumcadiisa loo dilo"

Image
Joe Biden ayaa sheegay in uusan waxba ka jirin wararka laga baahiyay ee ku aadan Shiinaha [Sawir hore/Reuters]

WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii beeniyey war lagu faafiyay warbaahinta, kaas oo sheegayay in dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, uu toddobaadkii hore ka diiday codsi ahaa kulan fool-ka fool ah.

Wargeyska The Financial Times ayaa soo xigtay dhowr qof oo warbixin kooban laga siiyay wicitaan khadka telefoonka ah oo qaatay 90-ka daqiiqo, kaas oo dhex maray labada hoggaamiye toddobaadkii hore, iyaga oo sheegay in Xi uusan tixgalin dalabka Biden, taa bedelkeedna uu ku adkeystay in Washington ay bedesho luuqaddeeda ku wajahan Beijing.

"Run ma ahan," ayuu yiri Biden markii ay wariyeyaashu weydiiyeen inuu ka xun yahay in Xi uusan doonayn inuu la kulmo

La-taliyaha amniga qaranka ee Biden, Jake Sullivan, ayaa bayaan uu soo saaray Talaadadii ku sheegay in warbixintan "gabi ahaanba aysan ahayn sawirka sax ah oo ku saabsan wadahadalkii labada hoggaamiye'.

Ilo wareedyo ka mid ah kuwa warbixintan kooban laga siiyay xiriirka telefoonka ah ee dhexmaray labada hoggaamiye ayaa xaqiijiyay in warbixintan ay tahay mid sax ah.

"Xi ayaa sida muuqata u sheegay Biden in marka hore la hagaajiyo xaaladda iyo jawiga guud ee xiriirka labada dal" ayaa il-wareedkan u sheegay walaaladda wararka ee Reuters.

Safaaradda Shiina ee Washinton ayaan ka jawaabin mar la weydiiyay jiritaanka arrintan.

Wadahadalka khadka telefoonka ee Biden iyo Xi ayaa ahaa kii ugu horreeyey muddo toddobo bilood ah, waxayna ka wadahadleen baahida loo qabo in la hubiyo in tartanka u dhexeeya labada dal ee ugu dhaqaalaha badan adduunka aanu u weecan isku dhac.

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM