Biden oo hanjabaad culus u diray Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin

Image

WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu hanjabay Ruushka inuu la kulmi doono ciqaab adag oo ay ku jirto in madaxweyne Vladmir Putin shakhsi ahaantiisa la saari doono cunaqabateyn haddii Ruushku uu Ukraine ku weeraro 127,000 oo ah ciidanka Ruushku keenay xuduudda labada dal.

"Waxaan goor hore u sheegay Madaxweyne Putin in haddii uu u dhaqaaqo Ukraine, ay jiri doonto cawaaqib xumo ay la kulmi doonaan, oo ay ku jiraan cunaqabatayn dhaqaale oo weyn" ayaa yiri Biden.

Wuxuu Biden xusay in 8,500 oo askari oo Maraykan ah la galiyay heegan sare todobaadkan, kuwaas oo tegi doona dhulka Ukraine, isagoo sheegay in howlgalkan aanuu aheyn mid Mareykan oo kaliya, laakiin ay uu yahay hormuud ay ka tahay NATO, hase yeeshe ma uusan sheegin goorta uu go'aansan karo in ciidamadaas la geeyo Ukraine.

Biden waxa uu sheegay inuu la hadlay dhammaan xubnahaa uruurka NATO, isla markaana ay isku fikir ka yihiinn difaaca dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa khudbad laga sii daayay telefishinka Talaadadii dadweynaha ku booriyay inay mujiyaan xasllooni.

Zelenskiy ayaa sheegay in la qorsheynayo inuu la kulmo madaxda Ruushka, Jarmalka iyo Faransiiska, waxaana mas’uuliyiinta afartan dal lagu wadaa inay wadahadal ku yeeshaan maanta oo Arbaco ah magaalada Paris.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Talaadadii sheegay inuu raadin doono caddayn ku saabsan ujeedooyinka Ruushka.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby, oo ka jawaabayay su'aal ay weydiisay VOA, ayaa sheegay Talaadadii in Ruushku si joogto ah ciidamo u keenayo xadka labada dal.

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM