Biden oo ka xanaajiyay Madaxweynaha Brazil

Image

NEW YORK - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka tagay masraxa Qaramada Midoobay isagoo aan gacan qaadin dhigiisa Brazil, Luiz Inacio Lula da Silva — oo loo yaqaan "Lula" - Arbacadii, taasoo abuurtay hadal-deyn baraha bulshadda.

Dhammaadka khudbad ku saabsan xuquuqda shaqaalaha labada dal, ayaa la arkay iyadoo Biden gacan qaadaya Agaasimaha Guud ee Hay'adda Shaqaalaha Caalamiga ah Gilbert Houngbo, ka dibna ka baxay masraxa xili Lula gacan usoo taagaya kasii jeestay, lama oga inuu arkay.

Muuqaal laga soo duubay dhacdada [Halkan ka daawo] ayaa markaa muujinaya Lula oo si muuqata u xanaaqsan, kaas oo markii uu gacan qaaday Houngbo eegay Biden oo arkay isaga oo masraxa ka sii baxaya, ka jeestay isagoo gacantiisa ku garaacaya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka uu ku lug yeesho khalad dadweyne oo ceeb ah, isagoo mar qirtay inuu yahay "mashiinka gaffka" taasoo soo jeedatay indhaha dadweynaha.

Kuwa ka soo horjeeda Biden waxay u adeegsadeen qaladkiisa sheeko dhaawac ku ah 80-jirkan, awooda ka dhamaatay oo dhowr jeer jaranjarada diyaarada airforce-one ku dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM