Biden oo ka xanaajiyay Madaxweynaha Brazil

Image

NEW YORK - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka tagay masraxa Qaramada Midoobay isagoo aan gacan qaadin dhigiisa Brazil, Luiz Inacio Lula da Silva — oo loo yaqaan "Lula" - Arbacadii, taasoo abuurtay hadal-deyn baraha bulshadda.

Dhammaadka khudbad ku saabsan xuquuqda shaqaalaha labada dal, ayaa la arkay iyadoo Biden gacan qaadaya Agaasimaha Guud ee Hay'adda Shaqaalaha Caalamiga ah Gilbert Houngbo, ka dibna ka baxay masraxa xili Lula gacan usoo taagaya kasii jeestay, lama oga inuu arkay.

Muuqaal laga soo duubay dhacdada [Halkan ka daawo] ayaa markaa muujinaya Lula oo si muuqata u xanaaqsan, kaas oo markii uu gacan qaaday Houngbo eegay Biden oo arkay isaga oo masraxa ka sii baxaya, ka jeestay isagoo gacantiisa ku garaacaya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka uu ku lug yeesho khalad dadweyne oo ceeb ah, isagoo mar qirtay inuu yahay "mashiinka gaffka" taasoo soo jeedatay indhaha dadweynaha.

Kuwa ka soo horjeeda Biden waxay u adeegsadeen qaladkiisa sheeko dhaawac ku ah 80-jirkan, awooda ka dhamaatay oo dhowr jeer jaranjarada diyaarada airforce-one ku dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM