Biden oo Madaxweyne ka mamnuucay inuu galo Mareykanka

Image

WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii ka mamnuucay madaxda sare ee dowladda Nicaragua inay soo galaan Mareykanka, waxaana tallaabadan uu Biden uga jawaabay doorashadi dhawaan uu ku guuleystay markiisii afraad madaxweyne Daniel Ortega.

Dowladda Mareykanka ayaa doorashadan ku tilmaantay mid lagu shubtay.

Xayiraada madaxweyne Biden ayaa saameyneysa dhammaan saraakiisha la doortay oo ay ku jiraan Ortega iyo xaaskiisa oo ah madaxweyne ku xigeenka waddanka, haweeneyda lagu magacaabo Rosario Murillo.

Dadka kale ee laga mamnuucay in ay Mareykanka soo galaan ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan ciidanka amniga, garsoorayaal iyo guddoomiyaal gobol, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay wiiqeen dimoqraadiyadda dalka ku yaal bartamaha dalalka Ameerika.

Canada iyo Britian ayaa xayiraad tan la mid ah saaray saraakiil sare oo ka tirsan taliska Daniel Ortega ee dalka Nicaragua.

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM