Biden oo markale taageero u muujiyay Israa’iil

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in Israa’iil ay u dhaqmi doonto si waafaqsan shuruucda caalanka ee ku aadan dagaalka, isagoo intaa ku daray in aanay loo baahneyn in ciidamada Mareykanka dib dambe loo diro Bariga Dhexe.

Wareysi uu siiyay barnaamijka "60 Minutes" ee ka baxa CBS News, ayuu madaxweyne Biden ku muujiyay sida uu u aaminsan yahay in ururka "Xamaas" ay tahay in gebi ahaanba la tirtiro.

Biden ayaa ka digay in khatarta in weerar argagaxiso laga geysto Maraykanka ay kor u kacday xiisadda Bariga Dhexe awgeed.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in Iiran ay si joogto ah u taageerto Xamaas iyo Xisbullah, balse ma jirto cadeyn cad oo muujineysa in ay ka danbeyso dagaalkan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM