Biden oo su'aal ka keenay tirada lagu dhawaaqay ee dhimashada Falastiiniyiinta

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uusan ku kalsoonayn saxnaanshiyaha tirada ay ka shaaciyeen Falastiiniyiintu ee dadka ku dhintay Qasa.

Biden ayaa yiri: "Ma aaminsani in Falastiiniyiintu ay runta ka sheegayaan tirada dhimashada," isaga oo tixraacaya Wasaaradda Caafimaadka ee ka shaqeysa Marinka.

Wuxuu intaas ku daray: "Laakiin waxaan hubaa in dad aan waxba galabsan la laayay, waana qiimaha dagaalka."

Madaxweynaha Mareykanka ma uusan sharaxin sababta uu uga shakisan yahay tirada dhimashada ay ku dhawaaqeen Falastiiniyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM