Bog cusub oo u furmaya cilaaqaadka Imaaraadka iyo Iran

Image
Sarkaal sarre kana tirsan xukuumadda UAE ayaa lagu waddaa in uu u socdaalo Tehran.

MUQDISHO, Soomaaliya – Lataliyaha sare ee amniga qaranka Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Tahnoon bin Zayed Al Nahyan, ayaa Isniinta booqan doona Iran si uu ugala hadlo ballaarinta xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran Axaddii.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta oo ku saabsan booqashada Sheikh Tahnoon, oo ay walaalo yihiin dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Amiir Mohammed bin Zayed iyo guddoomiyaha maal-gashiga dawladda ADQ.

"Waxa uu Tehran kula kulmi doonaa xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran (SNSC) Ali Shamkhani iyo mas’uuliyiin kale oo Iran ah," ayuu yiri Nournews ee Iran oo xiriir la leh SNSC.

2019, Imaaraadku wuxuu bilaabay inuu la macaamilo Iran ka dib weerarradii lagu qaaday booyadaha biyaha Khaliijka iyo kaabayaasha tamarta Sacuudiga.

Quwadda Muslimiinta Sunniga ah ee Sacuudi Carabiya ayaa wadahadalo toos ah la bilowday Iran bishii April, iyadoo Riyadh ay ku tilmaantay wadahadalka mid "wanaagsan" balse inta badan sahaminayay.

Anwar Gargash, oo ah la taliyaha dhanka diblomaasiyadda ee madaxweynaha Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay bishii hore in dalkiisu " qaadayo tillaabooyin uu ku dejinayo xiisadda kala dhexeysa Iran, taasoo qayb ka ah siyaasadda doorashada ee ku wajahan dublamaasiyadda iyo ka fogaanshaha iska hor imaadka".

Booqashada Sheikh Tahnoon ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib wadahadalo aan toos ahayn oo u dhexeeya Washington iyo Tehran oo ku saabsan dib u soo celinta heshiiskii Nukliyeerka ee Iran quwadaha dunida la gashay 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India oo lagu dhaleeceeyay ka "Aamusnaanta" weerarkii lagu dilay Ayatollah Ali Khamenei

Weerarkaas oo dhacay Sabtidii, ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen 786 qof, kuwaas oo ay ku jiraan carruur dugsiyada dhiganaysay.

  • Caalamka

    03-03-2026

  • 07:45PM

Iran oo Duqeysay Safaaradda Mareykanka ee Riyadh

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in laba drone ay ku dhaceen ama ku qarxeen…

  • Caalamka

    03-03-2026

  • 06:43AM