Booliska Maraykanka oo ku qasbey Haweeney Muslim ah inay bixiso Xijaabka

Image

WASHINGTON - Dhakhtarad Muslimad ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq ayaa ku eedaysay booliska jaamacadda Kentucky in ay muddo saacado ah ku xireen degmada Fayette ee gobolka Kentucky, iyaga oo ku qasbay in ay xijaabka iska siibto.

Golaha xiriirka islaamka-Maraykanka ee CAIR ayaa ku baaqay in baaris lagu ssameeyo dhacdadaan.

CAIR waxa ay sheegtay in haweenaydan la xiray habeenimadii Isniinta ee la soo dhaafay sababo la xiriira kiis dhacay laba sano ka hor, balse waxay cadeysey in waagaas aanay cidina u sheegin in la xiray.

Golaha ma uusan ku xusin warsaxaafadeedka haweeneydan magaceeda, waxa uuna soo xigatay haweeneydaasi oo sheegtay in dhowr jeer wax laga weydiiyay diinteeda intii uu falkaasi dhacayay.

Warsaxafadeedka ayaa lagu yiri: “Gacmaheeda ayey ka xireen, iyaga oo muddo saacado ah xabsiga ku hayey, waxaana lagu qasbay in ay iska siibto xijaabka.”

Haweeneyda ayaa sharraxday in iyada oo gacanta lagu hayo, oo ku sugan goob fagaare ah, oo qof walba uu arki karo laga codsaday inay iska bixiso xijaabka. Waxay sheegtay inay diiday oo ay codsatay in loo raro meel gaar ah.

Dhaqtaradu waxay tiri: “kadib waxa la ii qaaday qol kale oo dariishad iyo musqul leh, halkaas oo uu ku yaalay darbi yar oo madaxeyga laga arki karo, waxa ay noqotay in aan fariisto muddo dheer waana u adkaysan waayay.”

Dhaqtarada ayaa sheegtey inay aad uga argagaxday sida ay saraakiishan ula dhaqmeen, iyada oo lagu sii daayay damiin lacageed oo dhan 100-Dollar, taasoo ay sheegtay in lagala baxay boorsadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM