Booliska Maraykanka oo ku qasbey Haweeney Muslim ah inay bixiso Xijaabka

Image

WASHINGTON - Dhakhtarad Muslimad ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq ayaa ku eedaysay booliska jaamacadda Kentucky in ay muddo saacado ah ku xireen degmada Fayette ee gobolka Kentucky, iyaga oo ku qasbay in ay xijaabka iska siibto.

Golaha xiriirka islaamka-Maraykanka ee CAIR ayaa ku baaqay in baaris lagu ssameeyo dhacdadaan.

CAIR waxa ay sheegtay in haweenaydan la xiray habeenimadii Isniinta ee la soo dhaafay sababo la xiriira kiis dhacay laba sano ka hor, balse waxay cadeysey in waagaas aanay cidina u sheegin in la xiray.

Golaha ma uusan ku xusin warsaxaafadeedka haweeneydan magaceeda, waxa uuna soo xigatay haweeneydaasi oo sheegtay in dhowr jeer wax laga weydiiyay diinteeda intii uu falkaasi dhacayay.

Warsaxafadeedka ayaa lagu yiri: “Gacmaheeda ayey ka xireen, iyaga oo muddo saacado ah xabsiga ku hayey, waxaana lagu qasbay in ay iska siibto xijaabka.”

Haweeneyda ayaa sharraxday in iyada oo gacanta lagu hayo, oo ku sugan goob fagaare ah, oo qof walba uu arki karo laga codsaday inay iska bixiso xijaabka. Waxay sheegtay inay diiday oo ay codsatay in loo raro meel gaar ah.

Dhaqtaradu waxay tiri: “kadib waxa la ii qaaday qol kale oo dariishad iyo musqul leh, halkaas oo uu ku yaalay darbi yar oo madaxeyga laga arki karo, waxa ay noqotay in aan fariisto muddo dheer waana u adkaysan waayay.”

Dhaqtarada ayaa sheegtey inay aad uga argagaxday sida ay saraakiishan ula dhaqmeen, iyada oo lagu sii daayay damiin lacageed oo dhan 100-Dollar, taasoo ay sheegtay in lagala baxay boorsadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM