Boqorka Netherlands oo raali galin sameeyey

Image

(GO) - Boqorka dalka Netherlands Willem-Alexander ayaa si rasmi ah asbuucaan raaligelin uga bixiyey dhaqankii adoonsiga ahaa ee dalkiisu ku kacay xilligii gumeysiga.

Boqorka oo khudbad ka jeediyey munaasabadda sanad guuradii 160-aad ee ka soo wareegatay markii dalkaasi oo gabi ahaanba laga baabi'yey adonsiga ayaa sheegay in falkaas uu lid ku ahaa bani-aadanimada.

Wuxuuna intaas ku daray: "Waxaan cafis weydiisanaa Shacabka Netherland, waayo qoyska boqortooyada waagaas talada heysay ma aysan qaadin wax talaabo ah oo ay ku joojinaayaan dhaqankaas guracan".

Ra'isal wasaaraha Netherlands, Mark Rutte ayaa hore khudbad uu ka jeediyay magaalada Hague dhamaadkii sanadkii hore raaligelin ka bixiyey isagoo ka wakiil ah dowladda Netherlands.

Ra’isal wasaaraha ayaa khudbadiisa ku yiri: "Maanta waxaan raaligelin ka bixinayaa falalkii ay ku kacday dowladda hore anigoo ku hadlaya magaca dowladda Netherlands."

Sidoo kale, Ra’isal wasaare ku xigeenka dalkaasi ee lagu magacaabo Sigrid Kaag ayaa tiri -mar ay booqasho rasmi ah ku tagtay dalka Suriname isbuucii hore in marxalad cusub ay bilaaban doonto 1da Luuliyo, Kaag ayaa hadalkaas ula jeeday raaligelinta ka timid qoyska boqortooyada Sabtidii hore.

Faracii adoonsiga ee Netherlands ayaa 1da Luulyo ee sanad walba xuso sannad-guuradii 160aad ee baabi'inta adooonsiga, waxaana munasabadaas la waafajiyaa dhacdo sandle ah oo lagu qabto dalka Suriname, laguna magacaabo "Kitty Koti" ama (jebinta silsiladaha).

Dalka Netherlands oo hore u ahaa gumeystaha 3aad ee adduunka ugu weyn, waxa ay adoonsadeen ilaa 600 kun oo qof in ka badan 200 oo sano, kuwaas oo intooda badan laga soo afduubay Galbeedka Afrika, laguna qasbay inay ka shaqeeyaan beero ku yaal Suriname, Antilles, Koonfurta Ameerika iyo Kariibiyaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taangiyadda Yahuuda oo lagu arkay magaalo ku dhow xuduudka Masar

Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah.

  • Caalamka

    07-05-2024

  • 03:46AM

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM