"Boqorkii Musiibada" flimada Hindiya oo 98-jir ku dhintay

Image

NEW DEHLI, India - Dilip Kumar, oo ahaa mid kamid ah jilaayaashii ugu horeeyey uguna caansanaa India, ayaa ku dhintey magaaladda Mumbai isagoo ah 98-sano jir, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Halyeey run ah, Kumar wuxuu jilay in ka badan 65 filim mudo ku dhow shan iyo toban sano, wuxuu ciyaaray doorar u dhaxeeya jilaa, agaasime, soo-saare iyo mid kamida xigaha Shaneemooyinka Hindiya.

"Waxaa la dhigay isbitaalka 30-kii Juun ka dib markii uu ka cawday neefsasho la'aan. Wuxuu si joogto ah u xanuunsanaa bilo," ayuu yiri mid kamid ah xubnaha qoyskiisa oo codsadey in aan la magacaabin.

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa: "Kumar wuxuu ifka uga tagay xaaskiisa, Saira Banu, oo ah atariisho Bollywood ah lafteeda. Lamaanayaashu wax carruur ah ma laheyn".

Tacsi ka imaaneysa madax iyo taageereyaashiisa ayaa baraha bulshada ugu qulqulaysa cabqrigan - siyaasiyiinta, xiddigaha Bollywood-ka iyo xitaa taariikhyahanno ayaa Twitter-ka ku soo qoray tacsida.

Filimadda shineemooyinka India kuwooda ugu guulaha badan ee uu jilay Kumar ayaa waxaa laga soo qaadan karaa; Mughal-e-Azam, Devdas, Naya Daur (New Era), Ram Aur Shyam iyo Madhumati.

Waxaa lagu naanaysi jiray "Boqorka Musiibada" muuqaalkiisa wanaagsan, timaha jiifa iyo codka qoto dheer awadeed. Jilaagan oo magaciisa saxda ah uu yahay Mohammad Yusuf Khan bishii Diseembar 11, 1922.

Wuxuuna ku dhashay magaalada Peshawar, oo hadda ku taal Pakistan. Aabihiis wuxuu ahaa ganacsade miro ah oo qoyskiisa geeyay caasimada madadaalada Hindiya 1930-yadii.

Iyadoo ay weheliso Dev Anand iyo Raj Kapoor, Kumar ayaa wuxuu ka mid ahaa seddexdii magac ee waaweynaa ee uruursadey biladaha dahabka shineemooyinka Hindida laga soo bilaabo 1940-yadii ilaa 1960-yadii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM