Brazil oo dhaleeceeysay weerarada ay Israa’iiliyiitnu ka gaysanayaan Qasa

Image

BRASíLIA (GO) - Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa Isniintii ku eedeeyay Israa'iil in ay ku dilaan marinka Qasa dad aan waxba galabsanin, isagoo ku nuuxnuuxsaday in jawaabta Israa’iil ay tahay mid aan ka khatar yarayn weerarkii ay qaadeen Xamaas 7-dii Oktoobar.

Lula ayaa yiri intii lagu guda jiray xaflad rasmi ah oo ka dhacday Brasilia:

"Kadib falkii argagixisanimo ee ay geysteen Xamaas, waxaa caddaatay in jawaabta ay ka bixisay Israa’iil aysan ka khatar yarayn kan Xamaas. Waxay dilaan dad aan waxba galabsan iyadoon wax halbeeg ah lahayn."

Sidoo kale, Lula, oo ah madaxweynaha waddanka ugu weyn Latin America, ayaa ku eedeeyay Israa'iil inay duqeyso meelaha ay carruurtu joogaan, sida isbitaallada, iyadoo marmarsiinyo uga dhigayso in halkaas ay ku sugan yihiin argagaxiso.

Waxa uu intaa ku daray, "Marka hore, waa inaad badbaadisaa haweenka iyo carruurta, ka dibna aad la dagaallanto cidda aad rabto," sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM