Britain oo ugu baaqday muwaadiniinteeda inay isaga baxaan Lubnaan

Image

BEIRUT - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegtay in ay kula talinayso muwaadiniinteeda in aysan gabi ahaanba u safrin Lubnaan sababo la xiriira khataraha la xariira iskahorimaadka socda ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Britain ayaa sare u qaaday heerka digniinta ee ka dhanka ah u safrida Lubnaan

Waxay Britain sidoo kale ku dhiirigelisay muwaadiniinteeda ee ku sugan Lubnaan inay dalka ka baxaan hadda inta ay ks faa’iisan karaan duulimaadiyada ganacsiga ah.

Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa yiri: "Waxaa si joogto ah la isweydaarsanaya madaafiic iyo duqeymo cirka ah oo ka dhacaya koonfurta Lubnaan.

Waxa uu ku siim daray: "Xaaaladda inay kacdo aa laga yaabaa xilli kasta, sidaasna lagy waaye qaab dalkaas looga soo baxo."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM