Britain oo ugu baaqday muwaadiniinteeda inay isaga baxaan Lubnaan

Image

BEIRUT - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegtay in ay kula talinayso muwaadiniinteeda in aysan gabi ahaanba u safrin Lubnaan sababo la xiriira khataraha la xariira iskahorimaadka socda ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Britain ayaa sare u qaaday heerka digniinta ee ka dhanka ah u safrida Lubnaan

Waxay Britain sidoo kale ku dhiirigelisay muwaadiniinteeda ee ku sugan Lubnaan inay dalka ka baxaan hadda inta ay ks faa’iisan karaan duulimaadiyada ganacsiga ah.

Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa yiri: "Waxaa si joogto ah la isweydaarsanaya madaafiic iyo duqeymo cirka ah oo ka dhacaya koonfurta Lubnaan.

Waxa uu ku siim daray: "Xaaaladda inay kacdo aa laga yaabaa xilli kasta, sidaasna lagy waaye qaab dalkaas looga soo baxo."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM