Britain: Waxaan kala hadlaynaa xulafadeena aqoonsiga dawladda Falastiin

Image
Cameron ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal waara loo helo dhibaatada shacabka Falastiin.

London (GO) - Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain David Cameron ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu daraasad ku samayn doono arrinta aqoonsiga dawladda Falastiin oo ka mid ah wadamada ku mideysan Qaramada Midoobay.

Cameron ayaa BBC-da u sheegay in London ay ka fiirsaneyso in ay aqoonsato dowlad Falastiin ah, isaga oo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in xal waara loo helo dhibaatada shacabka Falastiin.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu soo bandhigo xilliga uu si rasmi ah u aqoonsanayo dawladda Falastiin, wuxuuna yiri "Falastiiniyiinta waa in la siiyaa aragti siyaasadeed si loo dhiirigeliyo nabadda Bariga Dhexe."

Wasiirka ayaa ka sheegay xaflad soo dhaweyn ah oo ka dhacday Westminster
in Boqortooyada Ingiriiska ay mas'uul ka tahay go'aaminta sida ay u ekaan doonto dowladda Falastiin loo dhisi doono,"

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM