Bulgaria: Dalxiiseyaal badan oo ku nafwaayey shil baabuur

Image
Todobo qof ayaa ka badbaadey musiibadan waxaana loo qaaday isbitaalka iyaga oo gubanaya.

SOFIA, Bulgeria - Ugu yaraan 46 qof oo ay ku jiraan 12 caruur ah ayaa geeriyooday kadib markii uu shil galay bas ay saarnaayeen kaasoo kal dambe ku gubtay galbeedka Bulgaria markii uu dab ka kacay.

Dadka dhintay ayaan wali si rasmi ah loo magacaabin, balse saraakiisha ayaa sheegay in ay ku jireen 12 caruur ah, iyo dhalinyaro badan oo da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 30 jir.

Baska ayaa ka diiwaan gashanaa Waqooyiga Macedonia, waxaana inta badan dadkii saarnaa ay ahaayeen dalxiisayaal ka soo laabtay safar ay ku tageen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Shilkan ayaa hakiyey isu socodka waddo weyn oo koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Sofia abbaaraha 02:00 xilliga maxalliga ah (00:00 GMT), sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

"Todobo qof ayaa ka baxsaday baska waxaana loo qaaday isbitaalka iyaga oo gubanaya," ayuu yiri goobjooge kaasoo intaas ku daray in qaar kamid ah bukaanadda ay xaaladoodu halis tahay.

Labo wiil oo mataano ah oo afar jir ah ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkan. Wasiirka arrimaha gudaha Bulgaria, Boyko Rashkov, ayaa booqday "goobta argagaxa leh" wuxuuna xusay in dadkii badbaaday si xun u gubteen.

Ma cadda sababta keentay musiibadan. Saraakiisha Bulgaria ayaa is-waydiinaya sida baska uu uga leexday wadada weyn una jeexjeexay masaafo dhan 50m (164ft) oo ka mid ah xadiga shilalka baabuurta.

Balse ma cadda in taasi ay ahayd ka hor iyo ka dib markii uu dab qabsaday. Bulgeria oo kamid ah dalalka Bakaliniska ee Yurub wuxuu caan ku yahay waddooyin ay dhinacyadda kaga yaaliin buuro ku fiican dalxiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM