Gabar Soomaali ah oo u sharaxan bilad sugaaneed sare

Image
Nadiifa Maxamed oo isku-dabariday Buuggan ayaa kasoo muuqatay liiska musharaxiinta ugu dambeysa.

LONDON, Britain - Gabar qoraal Somaali-British ah, Nadiifa Maxamed, ayaa waxay kamid noqotay lixda qof ee ugu dambeysay ee ku tartameysa abaalmarinta caanka ah ee Booker Prize ee sanadka 2021-ka.

Booker Prize waa abaalmarin suugaaneed oo maqaam-sare leh. Nadiifa waa qofka labaad ee kasoo jeeda Afrika ee liiska kusoo baxay waxaana wehliya Damon Galgut oo South Afrika kasoo jeeda.

Nadiifa ayaa tartanka waxay ku galaysaa buugga "The Fortune Men" kaasoo magaala madaxda waddanka Wales ee Cardif ay kusoo bandhigtey kadib dagaalkii labaad ee Aduunka.

Buugga "The Fortune Men" ayaa lagu waramay in uu yahay mid soo koobaya taariikhda Maxamuud Mataan, oo ah badmaaxi Soomaali ah kaasoo si khaldan loogu eedeeyay in uu geystay dil.

"Buuga wuxuu ku saabsan taariikhdii horey ay ahmiyad weyn u leedahay sooyaalka maanta jira," ayuu yiri Maya Jasanoff oo kamid ahaa garsooreyaasha go'aanka ka gaarey buugga.

Damon Galgut ayaa qudhiisa wuxuu tartanka ku galayaa buugga The Promise. Buuggan wuxuu xambaarsan yahay sooyaalka qoys cadaan ah iyo tacadiyadda ay kala kulmeen dowladdii midab-takoorka.

"Su'aasha ugu dambeysa ee buuga isku waydiinayo qoraagga waxay tahay cadaalad - hadda waa cadaalad dhab ah - miyay ka jirtaa aduunka," ayuu yiri Chigozie Obioma oo ka tirsan kooxda dooda ee Booker.

Waa markii labaad oo qoraayaal Afrikaan ay kusoo baxaan liiska kama dambeysta. Tsitsi Dangarembga oo Zimbabwe u dhashay iyo Maaza Mengiste oo Itoobiyaan-Ameerikaan ayaa sanadkii hore kasoo muuqdey.

Balse, biladda waxaa ku guuleystay Douglas Stuart oo u dhashay UK. Xagaagan guuleystaha waxaa lagu dhawaaqi doonaa bisha November. Nadifa iyo Galgut waxaa wehliya Patricia Lockwood iyo Anuk Arudpragasam.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM