Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Image

Sanca, Yemen – Warbaahinta Al Masirah oo ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa saaka oo Axad ah shaacisay in warshad koronto oo ku taalla koonfurta caasimadda Yemen ee Sanca lagu weeraray, taasoo keentay in qaar ka mid ah matoorada warshaddaasi ay shaqada joojiyaan.

Al Masirah ma aysan magacaabin cidda ka dambeysay weerarka ay ku tilmaantay “gardarro”, balse waxay sheegtay in uu ka dhashay dab weyn oo ay hadda ku howlan yihiin kooxaha gurmadka rayidka ah si loo damiyo.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ay maqleen ugu yaraan laba qarax xalay fiidkii ka dhacay magaalada Sanca.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo Israa’iil ay sii wado duqeymo ay ka fulinayso gudaha Yemen, iyada oo sheegtay inay uga jawaabayso weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta — kuwaas oo ay ugu magac dareen “taageero ay u hayaan Falastiiniyiinta ku sugan Gaza” intii uu socday dagaalka halkaas ka aloosan.

Xuutiyiinta ayaa marar badan ku hanjabay kana fuliyay weerarro dhinaca badda iyo cirka ah oo ay ku beegsadeen Israa’iil, inkasta oo inta badan gantaalladooda la qabtay ama la toogtay kahor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta, iyaga oo ku eedeeyay khatar ay ku yihiin badaha gobolka.

Bishii May, Mareykanka ayaa si lama filaan ah u shaaciyay heshiis uu la galay kooxda Xuutiyiinta, kaasoo lagu joojiyay weerarrada cirka ee ay Maraykanku ku hayeen, si ay u hakadaan weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan maraakiibta ganacsiga.

Si kastaba, Xuutiyiintu waxay sheegeen in heshiiskaasi uusan ka mid aheyn wax ku saabsan in laga daayo weerarrada ka dhanka ah Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM