Cambaareyn ka dhalatay wasiir Yahuud ah oo galay masjidka Al-Aqsa

Image
Wadamada Carabta ayaa talaabadan waxay ku tilmaameen "xadgudub bareer ah iyo daandaansi".

NAIROBI, Kenya - Jordan, Qatar iyo Masar ayaa cambaareeyay weerarka wasiirka amniga qaranka Israa’iil Itamar Ben-Gvir uu ku qaaday dhismaha Masjidka Al Aqsa ee ku yaalla bariga magaalada la haysto ee Quddus.

Wasiirka midigta-fog ayaa xoog ku galay masjidka subaxnimadii hore ee Axadda, taasoo ah booqashadii labaad ee noocan oo kale ah tan iyo markii uu ku biiray xukuumadda Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu dabayaaqadii sannadkii hore.

Isagoo ku sugan gudaha goobta, Ben-Gvir ayaa wuxuu ku andacooday lahaanshaha Israa'iil ee dhismahan kadib fariin muuqaal ah oo uu ku duubay barxadda masaajidka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Urdun oo war-saxaafadeed adag soo saartey ayaa waxay ku tilmaantay faragelinta Ben-Gvir ee dhismaha Al Aqsa “daandaansi khatar ah”.

"Tani waa tallaabo daandaansi ah oo la cambaareeyey iyo koror khatar ah oo aan la aqbali karin," ayuu afhayeenka wasaaradda Sinan Majali ku yiri hadal uu soo saaray.

Majali ayaa xusay in faragelintan "ay ka dhigan tahay ku xad-gudbi bareer ah oo sharciga caalamiga ah, iyo maqaamka taariikheed iyo tan sharciga ah ee ka jirta Yeruusaalem iyo goobaheeda quduuska ah".

Maqaamka gaarka ah ee dhismahan ayaa waxa uu u ogolaanayaa Muslimiinta inay ku cibaadaystaan ​​dhismaha Al Aqsa halka kuwa kale ee raacsan diimaha kale u fasaxayo kaliya in ay booqasho ku tagaan isla goobtaan taariikhiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM