Canada: Ku dhowaad 15 qof oo ku geeriyootay shil baabuur

Image
Labadan gaari waxaa la kala socdey dad waayeel ah iyo kuwa kale oo u socday goob lagu dheelo khamaarka.

TORONTO, Canada - Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay bartamaha dalka Canada ka gadaal markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo bas yar oo ay la socdeen koox dad u badan waayeel.

Shilkan ayaa ayaa waxa uu durba ku biiray liisaska dhacdooyinka noocaan oo kale ee ugu dhimashada badnaa ee muddo sanado badan gudahooda ka dhaca waddankan.

Dhacdadan ayaa laga soo tabiyey halka ay iska galaan laba waddo oo waaweyn oo u dhow magaalada Carberry ee koonfur-galbeed ee Manitoba, oo 170km (105 mayl) dhanka galbeed ka xigta magaalada Winnipeg.

Rakaabka baska ayaa u socday goob lagu ciyaaro khamaarka oo ku taal Carberry, sidda uu baahiyey telefishinka CBC News oo soo xiganaya afhayeen aan la carabaabin.

Baska ayaa waxaa saarnaa ilaa 25 qof, waxaana booliisku ay sheegeen in 10 qof lagu daweynayo isbitaalka ka gadaal markii ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Booliska ayaa waxa uu intaas ku daray in wadayaasha labada gaari ay nool yihiin, waxa ayna ka gaabsadeen in ay caddeeyaan cida laga yaabo in ay mas’uul ka tahay shilkan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, Ra'iisul Wasaare Justin Trudeau wuxuu ku sheegay inuu tacsi tiiraanyo leh u dirayo dadkii eheladooda ku waayay shilka, kuwa dhaawacmayna uu u rajaynayo soo kabasho.

16 qof ayaa ku dhintay Abriil 2018 ka dib markii gaari xamuul ah uu ku dhacay bas siday magaalada Saskatchewan. Darawalka baabuurka ayaa lagu xukumay sideed sano oo xarig ah sanadka 2019-ka.

Shilkii ugu xumaa taariikhda ee laga soo tabiyo waddooyinka dalka Canada ayaa waxa uu dhacay 1997 markii bas uu ku dhacay doox ku yaal gobolka Quebec, halkaas oo ay ku dhinteen 44 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM

UK oo markii ugu horreysay hirgelisay masaafurinta muhaajiriinta sharci darrada ah

Dowlada Ingiriiska ayaa ku tala jirta in ay sii ballaariso masaafurintan bisha July ee sanadkan.

  • Caalamka

    01-05-2024

  • 08:09AM