Caro ka dhalatay wasiir xagjir ah oo galay masjidka Al-Aqsa

Image
Mareykanka, Falastiiniyiinta iyo dalal badan oo Carbeed ayaa ku tilmaamay "daandaansi aan geed loogu soo gaban".

ANKARA, Turkey - Wasiirka amniga qaranka maamulka Yahuuda, Itamar Ben-Gvir, ayaa gelinkii hore ee Talaadada maanta ah waxa uu gudaha u galay dhismaha uu ku yaal masjidka barakeysan Al-Aqsa kaasoo ku yaalla bariga magaaladda la haysto ee Quddus.

Talaabadan ayaa dhalisay cambaareyn caalami ah oo uga timid Mareykanka, Falastiiniyiinta iyo dalal badan oo Carbeed, oo ay ku jiraan kuwa heshiis nabadeed la galay Israa’iil.

"Talaabo kasta oo hal dhinac ah oo khatar gelinaysa xaaladda goobaha barakeysan ee Quddus waa wax aan la aqbali karin," ayuu yiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Talaadadii.

Booqashada ayaa waxaa sidoo kale waxaa lagu tilmaamay in ay tahay "daandaansi aan geed loogu soo gaban oo aan horay loo arag" oo ka dhan ah shacabka Falastiiniyiin.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa sheegtay in ay "si adag u cambaaraynayso weerarka uu ku qaaday wasiirka xagjirka ah ku qaadey Al-Aqsa masjidka Al-Aqsa, waxaana ay u aragtaa daandaansi aan horay loo arag iyo xiisad colaadeed oo khatar ah".

Jordan, Masar iyo Imaaraadka Carabta, oo heshiis nabadeed horey ula galay maamulka Tel Aviv, ayaa si xooggan u dhaleeceeyeen booqashadda waxa ay ugu yeereen "duufaan khatar ah".

Sacuudi Carabiya, oo Netanyahu uu doonayo inuu la sameeyo heshiis nabadeed, ayaa sidoo kale dhaliilay tallaabada Ben Gvir. Turkiga oo dhawaan soo afjaray khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeyay Israa'iil ayaa duray booqashada ku qeexay "daandaansi".

Hogaamiyaha mucaaradka Israel iyo ra'iisul wasaarihii hore Yair Lapid ayaa Isniintii ka digay in talaabadda Ben-Gvir ay horseedi doonto rabshado, wuxuuna ku tilmaamay "daandaansi ula kac ah oo khatar gelin doona nolosha".

Ben-Gvir ayaa la dhaariyay todobaadkii hore isagoo qeyb ka ah dowladda cusub ee midigta fog ee uu hogaamiyo Benjamin Netanyahu. Ben-Gvir ayaa muddo dheer ku baaqayay in Yuhuuda ay si weyn u galaan goobta barakeysan, taasoo ay ka digeen Falastiiniyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muwaadiniinta Shiinaha oo Lagu Dhibaateeyo Garoomada Diyaaradaha New Zealand

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo labada dal ay sanadkii hore wada ganacsadeen qiimo dhan 22.9 bilyan oo doollar.

  • Caalamka

    17-09-2025

  • 07:41AM

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM