Carro ka dhalatay telefishin u gufay ciyaaryahanad xijaab xiratay

Image
Qaar kamid ah dadka la falceliyey qoraalkan ayaa CNews waxa ay ka dalbadeen raaligelin buuxda.

TORONTO, Canada - Telefishinka Faransiiska ee CNews ayaa la kulmay dhaleeceyn xooggan kadib markii uu faafiyey hadallo  Islaam nacayb ah, sidda laga soo xigtey Daily Sabah.

Hadaladan ayuu ku beegsadey ciyaaryahanadda kubbadda cagta ee Morocco Nouhaila Benzina iyo go'aankeedii dhaxal-galka ahaa ee ahaa inay xidhato xijaabka inta lagu guda jiro Koobka Adduunka Haweenka ee 2023.

CNews ayaa waxa uu duray go'aanada Benzina. Hase ahaatee, Muslimiinta waxay uga falceliyeen si xooggan iyaga oo iska-diidey in xishoodka gabadha laga dhigo wax fool xun.

Qaar kamid ah dadka naqdiyey ficilka Telefishinka ayaa waxa ay dalbadeen in Tv-ga uu bixiyey raaligelin buuxda. Hase ahaatee, waxaa muuqanaysa in uusan wali u hogaansamin.

Ciyaaryahanada reer Morocco ayaa ​​taariikhda baal dahab ah ka gashay markii ay noqotey laacibadii ugu dambeysay ee Koobka Aduunka ku xiratay XIjaab taas oo horey aan u dhicin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM

XOG CUSUB: Halkee Israel kasoo qaadey weerarkii ay ka fulisay Qatar?

Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo Mareykan ah, weerarka waxaa fuliyay 12 diyaaradood oo dagaal oo Israa’iili ah—8 F-15 ah iyo 4 F-35 ah.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:01AM