Caruur 40 casho ku godoonsaneyd keyn oo nolol lagu helay

Image
Saddex qof oo waaweyn oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen shilkan.

BOGOTA, Colombia - Afar carruur ah ayaa ayagoo nolol laga helay kaymaha Colombia in ka badan shan toddobaad ka dib markii diyaaradii ay la socdeen ay ku burburtay kaynta qaro weyn, sida uu sheegay madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro.

Carruurtan oo ka soo jeedda bulshada asaliga ah ayaa Jimcihii ay ciidamadu kasoo badbaadiyeen meel u dhow xuduudka u dhexeeya gobollada Caqueta ee Colombia iyo Guaviare, oo u dhow halka ay diyaaradda yar ku burburtay.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Cessna 206 – ayaa siday toddobo qof oo ku socotay hawada u dhaxaysa Araracuara, oo ka tirsan gobolka Amazonas, iyo San Jose del Guaviare, oo ah magaalo ku taal gobolka Guaviare, markii ay soo saartay digniin halis ah oo ay ugu wacnayd cilad xagga mishiinka ah saacadihii hore ee 1-dii May.

Saddex qof oo waaweyn oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda ayaa ku dhintay shilka diyaaradda, waxaana meydadkooda laga helay diyaaradda gudaheeda.

Afarta carruur ah, oo da’doodu kala tahay 13-sano jir, 9-sano jir iyo 4-sano jir, iyo sidoo kale ilmo yar oo da'diisa lagu sheegay 12 bilood, ayaa ka badbaaday saamaynta.

Intii lagu guda jiray baadigoobka, askarta oo adeegsaneysa helikabtarro waxay keynta ku tuurayeen sanduuqyo cunto ah, iyagoo rajeynaya inay gacan ka geysan doonto in ay sii noolaadan carruurta haddii ay helaan sahayda.

Diyaarado dul heehaabaya dhulka howdka ah ayaa sidoo kale ridaya rasaas si ay u caawiyaan shaqaalaha goobta ku sugan habeenkii, waxaana samatabbixiyeyaashu ay adeegsadeen taleefoono waaweyn oo dirayay fariimo ogeysiis ah iyo wargelin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM