Caruur 40 casho ku godoonsaneyd keyn oo nolol lagu helay

Image
Saddex qof oo waaweyn oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen shilkan.

BOGOTA, Colombia - Afar carruur ah ayaa ayagoo nolol laga helay kaymaha Colombia in ka badan shan toddobaad ka dib markii diyaaradii ay la socdeen ay ku burburtay kaynta qaro weyn, sida uu sheegay madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro.

Carruurtan oo ka soo jeedda bulshada asaliga ah ayaa Jimcihii ay ciidamadu kasoo badbaadiyeen meel u dhow xuduudka u dhexeeya gobollada Caqueta ee Colombia iyo Guaviare, oo u dhow halka ay diyaaradda yar ku burburtay.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Cessna 206 – ayaa siday toddobo qof oo ku socotay hawada u dhaxaysa Araracuara, oo ka tirsan gobolka Amazonas, iyo San Jose del Guaviare, oo ah magaalo ku taal gobolka Guaviare, markii ay soo saartay digniin halis ah oo ay ugu wacnayd cilad xagga mishiinka ah saacadihii hore ee 1-dii May.

Saddex qof oo waaweyn oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda ayaa ku dhintay shilka diyaaradda, waxaana meydadkooda laga helay diyaaradda gudaheeda.

Afarta carruur ah, oo da’doodu kala tahay 13-sano jir, 9-sano jir iyo 4-sano jir, iyo sidoo kale ilmo yar oo da'diisa lagu sheegay 12 bilood, ayaa ka badbaaday saamaynta.

Intii lagu guda jiray baadigoobka, askarta oo adeegsaneysa helikabtarro waxay keynta ku tuurayeen sanduuqyo cunto ah, iyagoo rajeynaya inay gacan ka geysan doonto in ay sii noolaadan carruurta haddii ay helaan sahayda.

Diyaarado dul heehaabaya dhulka howdka ah ayaa sidoo kale ridaya rasaas si ay u caawiyaan shaqaalaha goobta ku sugan habeenkii, waxaana samatabbixiyeyaashu ay adeegsadeen taleefoono waaweyn oo dirayay fariimo ogeysiis ah iyo wargelin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM