CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Image

MUQDISHO - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaareeyey go’aanka ay Dawladda Federaalku maamul ugu magacawday dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay sharcidarro si bareer ah loogu tuntay Dastuurka Federaalka iyo kan Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in dawlad-goboleed leh hay’ado dastuuri ah oo dhisan aanay marnaba suuragal ahayn in xukuumadda dhexe ay maamul u soo magacawdo, isaga oo xasuusiyey in dastuurka Koonfur Galbeed uu qabo in haddii madaxweynuhu is-casilo lagu qabto doorasho muddo 30 maalmood gudahood ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay, taas oo uu ku sifeeyey bilowga awood urursi lagu burburinayo nidaamka federaalka, laguna hoos geynayo sharciga dalka rabitaan shakhsiyadeed.

Wuxuu si toos ah u eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in qorshahani yahay mid uu madaxweynuhu ku doonayo in uu dib isugu caanashubo doorasho uu isagu mar kaliya ka yahay tartame iyo garsoore, si uu natiijada horay u sii hubisto.

Wuxuu intaas ku daray in damacaan gurracan uu dhaawac weyn u geysanayo dadaalladii sannadaha badan lagu bixinayey dib-u-heshiisiinta, kalsooni dhiska bulshada iyo geeddi-socodkii dawlad-dhiska ee ku dhisnaa awood-qaybsiga iyo nidaamka baarlamaaniga ah.

Xildhibaanka ayaa xasuusiyey dadka Soomaaliyeed in dhaqanka kelitalisnimada, eexda iyo ku-tagrifalka awoodda ay ahaayeen sababihii horseeday burburkii dawladnimadii dalka, isaga oo uga digay dadka ka aamusan ficilladan in fitnada ka dhalata aysan cidna ka badbaadi doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM