Chile: Gole wasiiro haween u badan oo lagu dhawaaqay

Image
Madaxwayne Gabriel Boric aya si weyn wuxuu u difaacay talaabadan uu qaaday.

SANTIAGO, Chile - Gabriel Boric, madaxweynaha la doortay ee Chile, ayaa ku dhawaaqay golahiisa wasiirada ee ugu horeeyay, isagoo inta badan jagooyinka siiyay haween halka qaar badan uu siiyay hogaamiyayaashii hore ee mudaaharaadyada.

14 ka mid ah 24-ka wasiir ee cusub ee lagu dhawaaqay Jimcihii waa haween, oo ay ku jirto wasiirka gaashaandhigga Maya Fernandez - oo ay awoowe u tahay madaxweynihii hantiwadaaga Salvador Allende, kaasoo afgambi militari sameeyay 1973-kii.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee qaabilsan ilaalinta amniga gudaha ayaa tagi doonta Dr Izkia Siches, oo dhawaan madax ka ahayd ururka caafimaadka qaranka.

"Kooxdan waxaan ku abuurnay dad diyaarsan, aqoon leh, khibrad leh, isla markaana u heellan ajendaha isbeddelka uu dalku u baahan yahay," ayuu yiri Boric.

Shaacinta golaha wasiirada ayaa timid kadib markii Boric oo 36 jir noqon doona ka hor inta uusan xilka qaban 11-ka March uu ku guuleystey doorashadii madaxtinimo ee bishii hore.

Wuxuu ku ololeeyay casriyeynta waaxda caafimaadka dadweynaha ee Chile, taas oo u adeegta %80 dadweynaha iyo nidaamka hawlgabka ee sida gaarka ah loo maamulo iyada oo kor loo qaadayo faa'iidooyinka iyo kordhinta mushaharka ugu yar.

Kala duwanaanshiyaha bulshada ee qarankan dhaca Koonfurta Ameerika ayaa dhaliyay banaanbaxyo baahsan 2019 taasoo ka dhalatay xasaradaha siyaasadeed iyo dib-u-habaynta dastuurkii dalka ee xilligii kalitaliska.

Golaha wasiirada Boric waxaa ka mid ah ugu yaraan lix wasiir oo da'doodu ka yar tahay 40 jir, oo ay ku jiraan kuwii hogaaminayey mowjado isu soo bax ah 2011-kii oo loogu talagalay horumar, waxbarasho lacag la'aan ah.

Shaqsiyaadkaas waxaa kamid ah ninka ka tirsan Congress-ka waddanka Chile ee lagu magacaabo Giorgio Jackson oo ka tirsan isbahaysiga Broad Front ee Boric, kaasoo loo magacaabay xilka awooda badan ee xoghayaha guud ee madaxtooyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM