Ciidamada Bulshada Bariga Africa oo isaga baxay Congo

Image
Dalalka Bariga Afrika ayaa Bishii Juun 2022 isku raacay in la dhiso ciidan goboleed.

KINSHASA (GO) - Wakaalladda Wararka France Press ayaa ku warantay in Bulshada Bariga Afrika ay bilaabeen inay isaga baxaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo Subaxnimadii Axadda.

hogaamiyayaasha bulshada Bariga Afrika ayaa ku dhawaaqay in Congo ay go’aansatay wixii ka dambeeyay 8-dii Disembar in aan dib loo cusboonaysiin joogitaanka ciidamadaan.

Ilo ka tirsan Dallada Bulshada Bariga Africa ayaa tilmaamay in cutubkii ugu horeeyay ee ku dhawaad ​​100 askari oo Kenyan ah, oo ay ku jiraan askar ka kala socotay Uganda, Burundi iyo South Sudan ay ka baxeen dalka iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi.

Madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa Bishii Juun 2022 isku raacay in la dhiso ciidan goboleed oo loogu talagalay in lagu soo afjaro colaadda ka aloosan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ka dib markii ay sii xoogeysteen dhaqdhaqaaqyada Kooxda “M23” ee halkaas ku sugan.

“M23” ayaa ah koox u dagaalanta danaha qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Tutsiga, kooxdan ayaa burbutyay 2013kii, ka dib jab xooggan oo soo gaaray.

Laakiin bishii Nofeembar 2021 ayay markale qaateen hubka, iyaga oo ku eedeeyay maamulka Congo in aysan u hoggaansamin heshiisyada dhigaya in dagaalyahannada M23 ee hubka laga dhigay ay ku biiraan ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Croatia oo Diiday inuu Aqbalo Danjiraha Cusub ee Israel

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa sheegtay inay la shaqaynayso dhiggooda dalka Croatia.

  • Caalamka

    19-05-2026

  • 08:51AM

Trump oo Hakiyey Weerar Lagu Qaadi Lahaa Iran Kadib Codsi uga Yimid Hoggaamiyeyaasha Khaliijka

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad..

  • Caalamka

    18-05-2026

  • 09:12PM