Ciidamada Israel oo amar cusub kusoo rogay shacabka Gaza

Image
Amarkan waxaa la sheegay in uu ka dambeeyay markii la beegsadey ciidamo Yahuud ah.

DOOXA, Qadar - Ciidanka Israa'iil ayaa awaamiir ku siiyay dadka deggan dhowr meelood oo ku yaalla waqooyiga iyo bartamaha marinka Qaza, sidda ay ku warantay Warbaahinta Al Jazeera.

Amarkan ayaa, sidda ku xusan warbixinta ay faafisay Al Jazeera, waxa uu yahay in shaqsiyaadkan ay "si degdeg ah u faarujiyaan gabi ahaanba hoygooda ku yaalla aagga Deir al-Balah".

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in amaradan uu qeyb ka yahay "hakinta xeeladaysan ee ku meel gaarka ah ee hawlaha milatari sababo salka ku haya bini'aadantinimo".

Joojinta howlgaladan milatari ayaa waxaa la sheegay in ay si rasmi ah u dhaqan gali doonto afar saacadood laga bilaabo 10 subaxnimo [8:00 GMT] maanta oo Jimce ah.

"Suuragal ma noqon doonto in la maro Waddada Saalax al-Diin, laakiin la sii maro Waddada Al-Rashid (Al-Bahr)," ayay raacisay fariinta ka timid milatariga Yahuuda.

Iyadoo ciidamada Israa’iil ay marar badan soo saareen awaamiir tan la mid ah, haddana warar dheeraad ah oo laga helayo gudaha dalkaasi waxay muujinayaan in sababta keentan amarkan.

Xogta cusub ee laga helay warbaahinta Yahuuda ayaa waxa ay tibaaxaysa in amarkan uu ka dambeeyay markii la beegsaday goobo ama waddooyin ay ciidamadu sheegeen inay ammaan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Croatia oo Diiday inuu Aqbalo Danjiraha Cusub ee Israel

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa sheegtay inay la shaqaynayso dhiggooda dalka Croatia.

  • Caalamka

    19-05-2026

  • 08:51AM

Trump oo Hakiyey Weerar Lagu Qaadi Lahaa Iran Kadib Codsi uga Yimid Hoggaamiyeyaasha Khaliijka

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad..

  • Caalamka

    18-05-2026

  • 09:12PM