Ciidamadda Israa'iil oo toogasho ku dilay shan Falastiiniyiin ah

Image
Kaliya sanadkan 2022, askarta Yahuuda ayaa Daanta Galbeed ee la haysto ku dilay 140 Falastiiniyiin ah.

LONDON, UK - Shan qof rag reer Falastiiniyiin ah ayay ciidamada Israa’iil siyaabo kala duwan ugu dileen Daanta Galbeed ee la haysto, sidda ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Saddex nin, oo ay ku jiraan laba walaalo ah oo da'doodu tahay 20-sano jir, ayaa la toogtay intii ay socdeen isku dhacyo habeen hore ay ciidamada Israa'iil kula galeen meel u dhow magaalooyinka Ramallah iyo Hebron.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in midkii afraad la toogtay ka dib markii uu gaarigiisa jiirsiiyay askari taasi oo dhaawac halis ah u geysatay. Midka shanaad ayaa la sheegay inuu dhintay ka dib iska horimaadyo ka dhacay meel u dhow Ramallah fiidnimadii.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in colaadda Israa’iil iyo Falastiin uu “mar kale gaaro heer aad u kulul” kadib markii ay sii kordheen rabshadaha ka socda Daanta Galbeed iyo Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaad ​​habeen walba waxa ay howlgalo baaritaan iyo qabqabasho ah ka sameeyaan Daanta Galbeed, halkaasi oo sanadkan lagu dilay ugu yaraan 140 Falastiiniyiin ah, oo inta badan ay geysatay rasaas ay Israa’iil ridayso.

In ka badan 30 Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay weerarro loo adeegsadey qori iyo mindi oo la sheegay in ay ka dambeeyeen shaqsiyaad Falastiiniyiinta.

Dhacdooyinka Talaadada maanta ah ayaa ku soo beegmaya shan maalmood ka dib markii weerarro bambaano ka dhaceen boosteejooyinka basaska ee duleedka magaalada Qudus ay galaafteen laba qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM