Ciidanka Badda Iran oo Qabsaday Markab Saliid Siday

Image

OMAN - Ciiddanka Badda ee Iran ayaa xaqiijiyey inay qabsadeen markab saliid siday oo ku sugnaa Gacanka Cumaan. Waxaa soo baxay warbixinno sheegaya in markabka St Nikolas saaka lagu kacay rag hubeysan.

Wakaaladda wararka ee dowladda Iran ee IRNA ayaa daabacday war kooban oo xaqiijinaya qabsashada markabkaas oo ay fuliyeen ciidamada badda Iran. Ma aysan sheegin magaca markabka, balse waxay xuseen in qabsashadu ay timid kadib amar maxkamadeed.

St Nikolas ayaa hore ugu lug lahaa muran kala dhexeeyay waaxda caddaaladda Mareykanka, taas oo keentay in la qabto hal milyan oo barmiil oo saliid Iran laga leeyahay.

Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badaha Boqortooyada Midowday (UKTMO), taas oo bixisa digniino ku socda badmaaxiinta Bariga Dhexe, ayaa sheegtay in dhacdadan ay billaabatay aroortii hore, 50 mayl u jirta xeebta Cumaan.

GO+WAKAALADAHA 

Related Articles

Trump oo Hakiyey Weerar Lagu Qaadi Lahaa Iran Kadib Codsi uga Yimid Hoggaamiyeyaasha Khaliijka

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad..

  • Caalamka

    18-05-2026

  • 09:12PM

Shiinaha oo Trump u sheegay in arrinta Taiwan ay labada dal u horseedi karto iska horimaad hubeysan

Katrina Yu oo ah weriyaha Al Jazeera ee magaalada Beijing ayaa sheegtay in fariinta rasmiga ah ee ka timid Shiinaha ay tahay in Beijing.

  • Caalamka

    14-05-2026

  • 01:52PM