Ciidanka Israa'iil: ma damaanad qaadi doonno badqabka Suxufiyiinta ku sugan Qasa

Image

QASA - Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in aysan dammaanad qaadi karin badqabka suxufiyiinta ka howlgala marinka Qasa oo ay Israa’iil duqeymo iyo go’doomin ku hayso ku dhawaad ​​saddex toddobaad.

Ciidamada Israa’iil ayaa warqad u qoray wakaalada wararka ee Reuters iyo wakaalada France-Presse todobaadkan kadib markii ay codsadeen dammaanad qaad ah in duqeymaha Israa’iil aysan beegsan saxafiyiintooda ku sugan Qasa.

"IDF waxay beegsataa dhammaan dhaqdhaqaaqyada militari ee Xamaas ee Qasa," ayaa lagu yiri fariinta Ciidanka Israa'iil. Warqadda ayaa intaa ku dartay in Xamaas ay si ula kac ah ka fuliso howlgallada militari meelo ku dhow saxafiyiinta iyo rayidka.

Milatariga Israa'iil ayaa sidoo kale sheegay in duqaymaha ay xoojiyeen ee ay ku beegsanayaan bartilmaameedyada Xamaas ay waxyeelo u geysan karaan dhismayaasha ku xeeran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM