Ciidanka Israa'iil oo dilay Wariye katirsan TV-ga Al-Jazeera

Image

GAZA - Gabar Wariye ah oo ka tirsanayd Al-Jazeera ayaa lagu dilay rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen maanta oo Arbaca ah xili ay kasoo waramaysay dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu sheegay Telefishinka laga leeyahay Qadar.

Militariga ayaa sheegay in laga yaabo in ay toogteen dad Falastiiniyin ah oo ay isku dhaceen ciidamkeeda.

Mid ka mid ah saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Shireen Abu Akleh ay “dileen” ciidamada Israa’iil xilli ay ka warbixineysay weerar ka dhacay magaalada Jenin, oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ku kordheen weerarada ay ciidamadu geysanayaan.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijisay geerida Abu Akleh, waxayna sidoo kale sheegtay in weriye labaad oo lagu magacaabo Ali Samodi isna la dhaawacay.

War qoraal ah oo uu soo saaray militariga Israa'iil ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay rasaas ku fureen kadib markii ay "rasaas xoog leh" kala kulmeen koox ku sugan xaafadda Jenin, oo Daanta Galbeed katirsan.

Waxay intaas ku dareen 'inay ay suurta gal tahay, in Gabadha ay ku dhimatay rasaas ay soo fureen Falastiiniyiintu', laakiin hadda uu socdo baaritaanka dhacdan.

Abu Aqleh ayaa caan ka aheyd Tv-ga laanta wararka Carabiga, oo mudo 15 sano uga soo waramaysa colaadda Falastiin iyo Israa'iil u dhaxaysa.

Safaaradda Mareykanka ee Israa'iil, ayaa sheegtay in Gabadha la dilay ay haysatay dhalasho Ameerikaan ah, waxayna ku baaqday in la baaro sababta ay u dhimatay.

Qareen u doodaya xuquuqda aadanaha Falastiin ayaa sheegay in maamulka Israa’iil aysan si dhab ah u qaadan baaritaannada, ayna jirto fursad yar oo Israa’iil lagula xisaabtami karo dilka Shireen Abu Akleh.

"Mar kasta oo ay jiraan cabashooyin ku saabsan dhacdooyin gaar ah oo ku saabsan dembiyada dagaal ee lagu eedeeyay, dembiyada ka dhanka ah bini'aadmiga ama xadgudubyada sharciga caalamiga ah ee ka dhacaya dhulka la haysto, ciidamada Israa'iil si dhab ah uma qaataan baaritaanka," Mounir Nesseba, oo sidoo kale ah borofisar sharciga caalamiga ah ee jaamacadda al-Quds, ayaa yiri.

"Israa'iil waxaa ka jirta ciqaab la'aan, mana fileyno in Israa'iil ay la xisaabtanto kuwa mas'uulka ka ah."

Nesseba ayaa sheegay in waxa loo baahan yahay ay tahay faragelin caalami ah”.

Madaxtooyada maamulka Falastiin ayaa dilka Abu Akleh ku tilmaantay "dambi dil".

"Madaxtooyadu waxay si buuxda u haysataa dawladda Israa'iil mas'uuliyadda dembiga foosha xun," ayaa lagu yiri bayaan.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in dilka Abu Akleh "ay qayb ka tahay siyaasadda haysashada ee lagu beegsanayo saxafiyiinta si loo mugdigaliyo runta oo ay dambiyo u galaan si aamusan".

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Qatar ayaa cambaareeyay dilka weriyihii Aljazeera ee "gumeysiga Israa'iil" ee Daanta Galbeed.

Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ayay ku baaqday in la joojiyo “dawladdu ay maalgeliso argagixisada Israa’iil.

Giles Trendle, oo ah agaasimaha maamulka ee Aljazeera, ayaa sheegay in shabakadu ay “ka naxday kana xuntahay” dilka Abu Akleh.

Trendle waxa uu xasuusiyay in dhismo ay ku yaallaan xafisyada Al Jazeera iyo sidoo kale hay’ado kale oo warbaahineed, oo ay ku jirto wakaaladda wararka ee Associated Press, la duqeeyay wax ka yar sanad ka hor intii uu socday weerarka Israa’iil ay ku qaaday Marinka Gaza.

"Taariikh ayaan ku lahayn caalamka oo dhan, gaar ahaan gobolkan, oo ay dhibaatooyin nagu soo dhaceen," ayuu yiri, isagoo ku baaqay in baaritaan hufan lagu sameeyo dilka Abu Akleh.

“Suxufiyiin ahaan, waanu wadnaa. Hadafkayagu waa inaan sii wadno. Ma aamusi doono inkasta oo la isku dayay in na aamusiyo,” Trendle ayaa sidoo kale yiri.

"Hadafkayagu waa inaan sii wadno inaan u sheegno aduunka waxa dhacaya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo ka qeybgalay Shir lagu difaacayo madax-banaanida Soomaaliya

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa kahor tagga faragelinta lagu hayo madax-banaanideeda .

  • Caalamka

    15-05-2024

  • 11:19AM

Maamulka Biden oo saanad hub ku kacaysa $1 bilyan u diraya Yahuuda

Sida laga soo xigtay Wall Street Journal, xirmada hubka waxaa kamid ah $700 milyan oo rasaasta taangiyada ah.

  • Caalamka

    15-05-2024

  • 01:42AM