Ciidanka Yahuuda oo 100 Falastiiniyiin ah dilay sanadkan 2022

Image
Mas’uuliyiinta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay falalka amni darrada ah.

DOOXA, Qadar - Ugu yaraan 100 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Quddus sanadkan 2022 iyadoo ay aad u kordheen duqeymaha ay geysanayaan ciidamada Israa'iil, sida lagu sheegay tirokoob ay sameysay BBC.

Tiradan ayaa waxay  ka dhigan tahay in sanadkan uu hadda ku socdo inuu noqdo kii ugu dhimashada badnaa ee Falastiiniyiinta  daanta galbeed tan iyo 2015.

Dadkan intooda  badan waxaa toogasho ku dilay ciidamada ammaanka Israa’iil, halka dhowr kalena ay toogteen dad rayid ah oo Israa’iili yiin ah oo hubeysan.

Iyadoo kooxaha xuquuqul-insaanka ay  soo saareen  qeylo dhaan isasoo tareysa, tirooyinkan ayaa muujinaya in ku dhawaad shan meelood meel Falastiiniyiinta la dilay ah ay ahaayeen caruur, oo kan ugu yar uu ahaa 14 jir.

Liiska dhimashada ayaa waxaa ka mid ah rag hubaysan oo ka tirsan kooxaha xagjirka ah, iyo rag dhalinyaro ah oo la toogtay kaddib markii la sheegay inay dhagaxaan iyo bambooyinka shidaalka ku tuureen dad rayid ah oo aan hubaysneyn iyo sidookale shakhsiyaad fuliyay weerarro loo adeegsaday  mindi iyo hubka noocyadiisa kale ee fudfudud, kuwaasi  oo ka dhan ah askarta  iyo shacabka Israa'iil.

Bishii August ee Sanadkan 2022, madaxa xuquuqul-insaanka ee Qaramada Midoobay, Michelle Bachelet, ayaa sheegtay in kiisas badan oo ka dhashay " isla xisaabtan la'aan" ay u muuqdeen kuwo jebiyay sharciga caalamiga ah.

Mas’uuliyiinta Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay falalka amni darrada ah ee ka dhaca waqooyiga daanta galbeed.

Tirakoobka  dhimashada Falastiiniyiinta  ee aan sameynay ayaa waxaan ka soo qaadanay ilo kala duwan oo ay ka mid yihiin baahinta BBC-da ee gudaha, warbixinnada warbaahinta gobolka iyo warbixinnada kooxaha aan dawliga ahayn iyo hay'adaha Qaramada Midoobay.

GO + BBC

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM