Cilmi-baarayaal Mareykan ah oo hindisay Kaniini joojin kara faafidda Kansarka

Image

WASHINGTON - Cilmi-baarayaal Maraykan ah ayaa soo saaray kaniini curyaaminaya unugyada kansarka oo ka ilaalinaya inay tarmaan kuna fidaan jirka. Kaniiniga la sameeyay ayaa bartilmaameedsada unugyada burooyinka kansarka, waana mid ka mid ah daawooyinka kiimikada ah.

Natiijooyinka daraasaddan, oo lagu daabacday joornaalka cilmiyeed ee Cell Chemical Biology, ayaa xaqiijisey in daawa la yiraahdo “AOH 1996” ay beegsato borotiinka kansarka oo awood u leh in uu abuuro unugyada burooyinka kaansarka isku badasha sida kuwa laga helo naaska, sambabada, iyo kansarka maskaxda.

Sida laga soo xigtay cilmi-baarayaal Maraykan ah, kadib tijaabooyin shaybaar oo la sameeyey, kaniinigan wuxuu awood u yeeshay in uu xakameeyo kobaca buurooyinka kansarka. isaga oo gabi ahaanba joojinayo kororka iyo faafidda kansarka iyada oo aan waxyeello taban ka soo gaareen bukaanka.

Diraasadahan oo galay heerarkoodii hore ee tijaabada ah ayaa lagu gaari karaa kacdoon caafimaad oo ku wajahan daaweynta kansarka, iyaga oo ka dhalan kara daawooyin ka hortagga faafitaanka cudurka Kansarka.

Sidaas darteedna ay yareeyaan dhibaatooyinka uu keeno ama khatarta ay ku hayso nolosha bini'aadamka, waxaa kale oo laga yaabaa in kaniinigani uu rajo dhab ah u noqdo bukaannada adduunka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM