Ciraaq: Kumnaan qof oo ka qeybgalay aaskii dadka ku dhintay xafladii arooska

Image

BAQDAAD - Kumanaan qof oo ka soo jeeda gobolka Nineveh ee waqooyiga Ciraaq ayaa sii waday maalintii 2-aad inay u baroor diiqdaan dhibanayaashii uga dhintay habeenimadii Talaadada xaflada meherka ee Al-Hamdaniya.

Dad badan ayaa ka soo qeyb galay aaska lagu dhigay kaniisadda Katooliga ee Al-Tahira ee ku taal degmada Al-Hamdayna subaxnimadii Khamiista. Aaska waxaa ka muuqday Dumar ku labisan dhar madow waxaana wajiyadooda ka muuqday murugo iyo xanuun.

Ka qaybgalayaasha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa qaar ka badbaaday dabka. Waxaana Sawirada dhibanayaasha, oo ay ku jiraan caruur, rag iyo dumar, lagu safay afeefka hore ee kaniisadda.

Arooska iyo aroosada ayaa la wariyay in ay caafimaad qabaan, xaaladdooduna ay wanaagsan tahay, iyaga oo ka cararay goobta xaflada isla markii uu kacay dabka.

In kasta oo ay nool yihiin, haddana waxay dabka ku waayeen ehelkoodii. Aroosku waxa ay weyday dhamaan qoyskeedii, oo ka mid 3 nin oo walaalaheed ah iyo dhamaan adeeradeed, halka, ninkii arooska ahaa hooyadii uga dhimatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM