Ciraaq: Xaflad aroos oo sabab u noqotey dhimashada 114 qof

Image

BAQDAAD - Warbaahinta Ciraaq ayaa sheegtay in ugu yaraan 114 qof ay ku dhinteen, ​​200 oo kalena ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos oo ka dhacaysay gobolka Nineveh ee dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Muxamed Shia Al-Sudani ayaa faray wasiirrada arrimaha gudaha iyo caafimaadka in ay abaabulaan dhammaan dadaallada lagu samatabixinayo dadka dhaawaca ah. sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ciraaq.

Dhanka kale, Dab damiska Ciraaq oo war soo saaray ayaa yiri: "Xogta hore waxay muujinaysaa in isticmaalka rashka intii lagu jiray xafladda arooska uu sabab u ahaa dabka kacay.”

Waxa uu intaa ku daray, "Waxaa hoolka arooska ka maqnaa qalabka dabka lagu dimiyo taas oo ka hor imaaneysa shuruucda dalka, tallaabo ayaana laga qaadi doona ciddi ku lug laheed arrintaan."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM