CNN oo lagu dhaliilay howlgelinta sarkaal ku tuntay Muslimiinta

Image
John Miller ayaa noqonaya madaxa fulinta arrimaha sharciga ee CNN iyo falanqeeyaha mukhaabaraadka.

NEW YORK, United States - CNN ayaa ku dhawaaqday in ay shaqaaleysiisey sarkaal sare oo ka tirsanaa Waaxda Bilayska New York oo shaqada ka fadhiistay kadib markii uu la kulmay dhaleeceyn sababo ku aadan in uu sheegay in hay'adda dowladda aysan basaasin Muslimiinta wixii ka dambeeyay weeraraddii daaraha mataanaha ee 9/11.

John Miller ayaa noqonaya madaxa fulinta sharciga ee CNN iyo falanqeeyaha arrimaha sirdoonka. Su'aallo waydiin qaadatay siddeed saacadood oo uu kala kulmey golaha magaalada kuna saabsaneyd badbaadada dadweynaha bishii Maarso, Miller wuxuu ku andacoodey in dabagalka xaafadaha iyo masaajidda Muslimiinta ay ahayd "mala-awala".

Miller wuxuu ka fariistay NYPD bishii Juun kadib markii ay si weyn isku soo tareen cabashooyinka laga gudbiyey iyo baaqyadda ku saabsan in gabi ahaanba shaqadda laga joojiyo ama la eryo.

Lataliyaha Sare ee Siyaasadda Sumayyah Waheed ee Muslim Advocates, mid kamid ah ururada dacweeyay Miller, ayaa bayaan uu todobaadkan soo saarey ku cambaareysay shaqaaleysiinta cusub ee CNN.

"Waa kaftan naxariis darro ah in CNN uu shaqaaleysiiyo nin si toos ah uga been sheegay basaasida lagu haayey Muslimiinta," ayay tiri war-saxaafadeedka oo luuqad adag ku qornaa.

Waheed ayaa raacisay: "NYPD waxay isticmaashay kaamirado, xog-ogaalyaal iyo booliis qarsoon si ay u basaasaan muslimiinta masaajidooda, goobahooda shaqo iyo xitaa safarada dibadda ee waxbarashadda".

Sannadkii 2012, wakaaladda wararka Associated Press ayaa ugu guulaysatay abaal-marinta Pulitzer ee warbixin baadhitaan ah oo ay ka qortay NYPD iyo sidda ay u basaasto muslimiinta si gaar ah dhinacyadda basaasnimada masaajidda, baararka hookaha iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan bulshada Muslimiinta ah ee New York.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo dhaliilay codsiga soo xirida Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Dacwad oogaha maxkamada ICC Karim Khan ayaa gudbiyay dalabkan oo sidoo kale lagu soo qabanayo hogaanka Xamaas.

  • Caalamka

    21-05-2024

  • 12:51AM

Ebrahim Raisi: Madaxwaynihii lagu naaneesayay “Kawaanlaha”

Madaxweynaha Iran iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Hossein Amir Abdollahian ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

  • Caalamka

    20-05-2024

  • 03:51PM