CNN oo lagu dhaliilay howlgelinta sarkaal ku tuntay Muslimiinta

Image
John Miller ayaa noqonaya madaxa fulinta arrimaha sharciga ee CNN iyo falanqeeyaha mukhaabaraadka.

NEW YORK, United States - CNN ayaa ku dhawaaqday in ay shaqaaleysiisey sarkaal sare oo ka tirsanaa Waaxda Bilayska New York oo shaqada ka fadhiistay kadib markii uu la kulmay dhaleeceyn sababo ku aadan in uu sheegay in hay'adda dowladda aysan basaasin Muslimiinta wixii ka dambeeyay weeraraddii daaraha mataanaha ee 9/11.

John Miller ayaa noqonaya madaxa fulinta sharciga ee CNN iyo falanqeeyaha arrimaha sirdoonka. Su'aallo waydiin qaadatay siddeed saacadood oo uu kala kulmey golaha magaalada kuna saabsaneyd badbaadada dadweynaha bishii Maarso, Miller wuxuu ku andacoodey in dabagalka xaafadaha iyo masaajidda Muslimiinta ay ahayd "mala-awala".

Miller wuxuu ka fariistay NYPD bishii Juun kadib markii ay si weyn isku soo tareen cabashooyinka laga gudbiyey iyo baaqyadda ku saabsan in gabi ahaanba shaqadda laga joojiyo ama la eryo.

Lataliyaha Sare ee Siyaasadda Sumayyah Waheed ee Muslim Advocates, mid kamid ah ururada dacweeyay Miller, ayaa bayaan uu todobaadkan soo saarey ku cambaareysay shaqaaleysiinta cusub ee CNN.

"Waa kaftan naxariis darro ah in CNN uu shaqaaleysiiyo nin si toos ah uga been sheegay basaasida lagu haayey Muslimiinta," ayay tiri war-saxaafadeedka oo luuqad adag ku qornaa.

Waheed ayaa raacisay: "NYPD waxay isticmaashay kaamirado, xog-ogaalyaal iyo booliis qarsoon si ay u basaasaan muslimiinta masaajidooda, goobahooda shaqo iyo xitaa safarada dibadda ee waxbarashadda".

Sannadkii 2012, wakaaladda wararka Associated Press ayaa ugu guulaysatay abaal-marinta Pulitzer ee warbixin baadhitaan ah oo ay ka qortay NYPD iyo sidda ay u basaasto muslimiinta si gaar ah dhinacyadda basaasnimada masaajidda, baararka hookaha iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan bulshada Muslimiinta ah ee New York.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM