CNN oo shaqada ka eridey soo-jeediyaha Chris Cuomo kadib markii caawinaad siiyey Walalakiis

Image

CNN ayaa shaqada ka cayriyey wariye Chris Cuomo kadib markii uu caawiyay walaalkiis, gudoomiyihii hore ee New York Andrew Cuomo, xilli uu iska difaacyey eedeymo looga haystey dumaro uu dhibaatooyin u gaystey.

Go'aanka ayaa yimid markii CNN uu sheegay in macluumaad dheeri ah ay ka soo baxeen heerka uu gaarsiisan yahay ku lug lahaanshaha Chris Cuomo ee difaaca walaalkiis ka weyn.

Andrew Cuomo ayaa is casilay bishii Ogosto ka dib markii dacwad oogayaasha ay sheegeen inuu dhibaateeyay dumaro shaqaale ka ahaa xafiiskiisa .

Chris Cuomo, oo 51 jir ah, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu ka xun yahay go’aanka CNN, mana aheyn "sida aan doonayey in waqtigeyga CNN ku dhammaado".

Waxa uu Shabakadda ka shaqaynayey tan iyo 2013-kii, waxana uu noqday mid ka mid ah wariye-yaasha ugu caansan , isaga oo dhawaan hoggaaminayey tebinta CNN ee doorashadii madaxtinimada Maraykanka ee 2020-kii.

CNN ayaa Chris Cuomo horey shaqada uga  joojiyay Talaadadii kadib markii la ogaaday heerka ay gaarsiisan tahay dadaalkiisa ku aadan sidii caawinaad ugu fidin lahaa fadeexada loo haysto Walalakiis.

Shabakada ayaa sheegtey  in inkasta oo "ay qadarinayso baahida [Chris Cuomo] u qabo inuu qoyska siiyo muhiimada kowaad halka  shaqada ka dhigey midda labaad ", talada uu u soo jeediyay walaalkiis waxay ahayd mid uu ku jabiyey anshaxa saxafiga.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Putin oo aag laga ilaaliyo amniga Ruushka ka sameynaya xuduudda Ukraine

Dhanka kale, Khamiistii, gobolka Kursk ayaa markale la weeraray. Sida uu sheegay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee gobolka.

  • Caalamka

    26-05-2025

  • 04:44AM

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM