Codbixiyihii ugu horeeyay doorashooyinka Hindiya oo dhintey

Image
Shyam Saran Negi ayaa geeriyoodey saddex maalmood kadib markii uu ka coddeeyay doorashada gole degaan.

NEW DELHI, Hindiya - Ninkan lagu tilmaamay "codbixiyihii ugu horeeyey ee Hindiya" ayaa dhintay isagoo 105 jir ah, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Shyam Saran Negi ayaa loo maleynayaa inuu codeeyay markii India ay qabatay doorashadii ugu horeysay ee guud kadib markii ay xornimada ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska.

Mr Negi waxa uu u codeeyay doorasho kasta tan iyo markaas. Boqol-jirkan ayaa codkiisa dhiibtay saddex maalmood ka hor dhimashadiisa Sabtidii, doorashada golaha ee maamulkiisa Himachal Pradesh.

Horraantii todobaadkan, mas'uuliyiin ka tirsan guddiga doorashada ayaa rooga cas u goglay Mr Negi markii uu codkiisa ku dhiibtay boostada ka hor maalinta codbixinta ee 12 November.

Warbaahinta Hindiya ayaa ku warantay in ay ahayd markii ugu horeysay ee Mr Negi uusan tagin goobta cod bixinta sababo ku salka ku haya xaalad caafimaad darro awgeed.

Macallinka shaqada ka fariistay ayaa loo maleynayaa inuu yahay qofkii ugu horreeyay ee gobolkiisa furay goobo codbixineed horraantii 1951-kii iyo doorashadii 1952 si looga fogaado baraf badan.

Sannadkii 2014-kii, Mr Negi waxa danjiraha sharafeed u aqoonsadey guddiga doorashada si uu u dhiirri-galiyo cod-bixinta. Sidoo kale, waxaa sharaftey shirkadda Google.

Isagoo ka hadlayay isu soo bax doorasho Sabtidii, Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Mr Negi. Dawladdu waxay sheegtay in si heer qaran ah loogu aasi doono tuuladiisa Kalpa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM