Codsi loo jeediyay Biden oo ku saabsan Falastiiiniyiinta

Image

WASHINGTON (GO) - Koox ka tirsan wakiilada Dimuqraadiga ayaa ku booriyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inuu u ogolaado dalxiisayaasha, ardayda iyo shaqaalaha Falastiiniyiinta ah inay sii joogaan dalka.

In ka badan 100 ka tirsan Dimuqraadiyiinta, oo uu hoggaaminayo Senator Dick Durbin, ayaa warqad u diray Biden, si loogu oggolaado dadka ka soo jeeda dhulka Falastiiniyiinta ee ay haysato Israa’iil in helaan fursado shaqo.

"Marka la eego iska-horimaadka hubeysan ee socda, Falastiiniyiinta horeyba ugu sugnaa Mareykanka waa inaan lagu qasbin inay ku laabtaan dhulka Falastiin.” ayaa ku xusan waraqdda ay direen sharci-dajiyayaashu.

Go’aankan waxa kaliya ka faa’iidaysan kara falastiiniyiinta horeyba u joogay Maraykanka, mana la shaacin tirada dadka ee lagu dari doono barnaamijkan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM