Colaada Ukraine oo ku sanad-jirsatay kala qob-qobka Galbeedka

Image
Hal arrin oo la isku waafaqsanyahay ayaa ah in Reer Galbeedka ay si wadajir ah uga soo horjeedsadeen dagaalka aragti ahaan

ANKARA, Turkey - Bishan Febraayo waxaa sanad jirsaday dagaalka Ukraine ee uu Ruushka kusoo qaaday, waxayna falanqeeyeyaal badan iyo mac-hadyada daraasaadka dib u eegayaan wixii dhacay 12-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Hal arrin oo la isku waafaqsanyahay ayaa ah in Reer Galbeedka ay si wadajir ah uga soo horjeedsadeen dagaalka aragti ahaan, balse aad loogu kala qeybsamay jawaabta ficil ahaan laga bixinayo, nooca ay noqonayso, iyo illaa xadka la soconayo.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo todobaadkan ka hadlay shirka amniga ee Munich ayaa yiri "Arrinkan falanqeeyeyaasha leeyihiin waa in Ruushka la jabiyaa, lagulana dagaalamaa ciidooda, taasi aniga ma qabo, mana ahan hadafkeena in aan Ruushka burburino".

Dalal badan oo reer Yurub ah waxa ay aad uga welwel qabaan in ay ka xanaajiyaan madaxweyne Putin oo laga filan karo in uu wax kasta sameeyo, balse kuwa kale oo ay Britain ka mid tahay ayaa qaba in Ruushka jawaab adag la siiyo haddii la doonayo nabad waarta.

Ra'iisul Wasaaraha Britain, Rishi Sunak, ayaa shirka Munich ka sheegay in sida kaliya ee lagu soo afjari karo dhibaatada uu Ruushka gaysanayo ay tahay in ay Ukraine guuleysato.

Todobaadyada soo socda waxaa furumaha dagaalka gaaraya taangiyada casriga ah ee Jarmalka sameeyay ee loo yaqaano Leopards kadib bilo badan oo gorgortan iyo dedaalo dublamaasiyadeed ay socdeen. Balse tiradooda aad ayay u yartahay sida uu maanta daabacay wargayska Daily Telegraph ee Ingiriiska kasoo baxa.

Inkasta oo mas’uuliyiinta Ukraine ay codsanayaan in ay helaan boqolaal taangi oo ay kaga hortagaan duulaanka iyo weerarka wejiga labaad ee Ruushka, haddane sida wargeyska qorey wax ka yar 50 taangi oo kuwa Jarmalka ah ayaa gaari doona furumaha dagaalka.

Jarmalka oo aad loo xusuusto taariikhihii uu kasoo maray dagaalkii koowaad ee adduunka iyo kii labaadba, ayaa aad uga taxadaraya ku lug lahaanshihiisa dagaalkan Ukraine sida uu sheegay hoggaamiyaha dalkaasi Olaf Scholz xilli lagu eedeynayo xukuumaddiisa in ay si gaabis ah uga jawaabayso dagaalka.

Dalkani ayaa dagaalka ka hor 60% ku tiirsanaa gaaska Ruushka, balse hadda waa uu ka maarmay, wuxuuna heley illo kale oo tamar oo badiil ah.

Dowladaha reer Galbeedka ayaa Ukraine siinaya hub casri ah sida gantaalada lidka taangiyada, qalabka ka hortaga gantaalada, iyo waliba gantaalada gaysta burburka badan.

Sidaasi oo ay tahay, waxa ay aad uga welwel qabaan in dagaalka Ukraine uu isu badelo mid u dhaxeeya Ruushka iyo NATO, taas oo keeni karta in Ruushka weeraro dalal kale oo dhaca qaarada Yurub ah siina balaarin karta colaadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 06:45AM

Shiinaha oo hawada sarre ka baadi-goobaya ciid iyo dhagxaan

NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 04:15AM