Colombia: Askar lagu dilay weerar loo adeegsadey qarax

Image
Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweyne Gustavo Petro.

BOGOTA, Colombia - Ugu yaraan todoba askari oo booliis ah ayaa ku geeriyootay weerar loo adeegsadey bambaano oo ka dhacay galbeedka Colombia, sidda uu shaaca ka dhigay madaxweyne Gustavo Petro.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado ciidamada ammaanka tan iyo markii uu xafiiska la wareegay isagoo ballan qaaday inuu soo afjari doono colaadda socota in ku dhow 60 sano.

Ilo-wareedyo ka tirsan Boliska ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in Askartan la dilay Jimcihii kadib markii Gaari ay la socdeen lagu dhuftay Walxaha Qarxa.

Petro, oo hore uga tirsanaa dhaqdhaqaaqa fallaagada M-19, ayaa ballan qaaday inuu raadinayo "nabad guud" isagoo dib u bilaabaya wadahadallada uu la leeyahay jabhadda Xoreynta Qaranka (ELN).

Heshiis nabadeed ayuu ka codsadey 2016 oo lala galo dagaalyahanadii hore ee Ciidamada Qalabka Sida ee Kacaanka sida Colombia (FARC) oo diiday in laga wada xaajoodo u gacan gelinta kooxaha dambiilayaasha si loogu beddelo xukunnada la dhimay.

Mucaaradka ayaa diiday heshiiskii nabadeed ee ay ka wadahadleen hoggaankoodii hore waxayna tiradoodu ahayd 2,400 oo dagaalyahan, sida ay dawladdu sheegtay.

Dhowr hoggaamiye oo mucaarad caan ah ayaa dhawaan lagu dilay, kuwaas oo intooda badan lagu khaariyey dagaal ka dhacay xuduudka ay Colombi la wadaagto Venezuela.

Colaadda Colombia ee u dhaxaysa dawladda, fallaagada garabka bidix, kooxaha garabka midig iyo kooxaha daroogada ayaa dilay ugu yaraan 450,000 qof intii u dhaxaysay sanada kala ah 1985 ilaa 2018 oo keliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM